Baydhaba (Caasimada Online) – Hogaamiyaha Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (AadanMadoobe) oo maanta ka qeybgalay kala fadhiga 1-aad kulankiisa 5-aad ee Baarlamaanka maamulkaas oo lagu dhaariyay xubnaha cusub ee Golihiisa Wasiirrada ayaa si adag uga hadlay xaaladaha ammaan ee ka jira magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay.
Sheekh Aadan Madoobe oo diray hanjabaad culus oo la xiriirta amniga guud ayaa sheegay inay qaadayaan tallaabooyin deg-deg ah oo wax looga qabanayo nabad-gelyada, iyada oo laga jawaabayo cabashada kasoo yeereyso shacabka.
“Dhibaatada taagan oo ay kamid tahay amni darrada iyo cabashada jidadka xiran waxaan ku dadaali doonaan in caqabadahaas shacabka Koonfur Galbeed laga dulqaado, uguna shaqeyno si daacadnimo ah,” ayuu yiri Aadan Madoobe.
Sidoo kale, Madaxweynaha oo ku hadlay luqad adag ayaa yiri “Looma dul-qaadan doono amni darro, waxaan wadnaa qorshe lagu adkeynayo nabadda”.
Hanjabaadda Sheekh Aadan Madoobe ayaa kusoo aaday saacado uun, kadib markii xalay ciidamada taabacsan madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta-gareen ay weerar culus ku qaadeen qaybo kamid ah magaalada Baydhaba, halkaas oo uu ka dhacay dagaal foolka fool ah.
Ciidamada Lafta-gareen oo deggan bannaanka magaalada ayaa weerarkooda ku bilaabay madaafiicda goobta, iyaga oo toos u beegsaday saldhig ciidamada Gorgor iyo kuwa Boolis Milataaro ku leeyihiin xaafadda Al-faras oo ka tirsan laanta Horseed ee degmada Baydhaba.
Dagaalka labada dhinac oo qaatay ku dhawaad hal saac oo xiriir ah ayaa waxyeelo ay kasoo gaartay dad shacab ah oo ay ku jiraan carruur iyo haween, kuwaas oo la dhigay isbitaalka guud. Sidoo kale waxaa jira khasaare kale oo soo gaaray qaar kamid ah askarta dagaalantay, inkastoo aan tiro ahaan si rasmi ah loo xaqiijin karin.
Si kastaba, dagaalka xalay ayaa kusoo aaday, xilli dhawaan si rasmi ah loo caleema saaray Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Madoobe, kadibna uu soo magacaabay Golihiisa Wasiirrada oo maanta uun la dhaariyay.

