Baydhaba (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar ay mar kale ciidamada daacadda u ah Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta-gareen ku qaadeen magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay, iyada oo uu xigay dagaal toos ah.
Ilo wareedyo xilkas ah ayaa innoo sheegay in xalay saq-dhexe ciidamada Lafta-gareen ay dhanka waqooyi kasoo weerareen magaalada, iyaga oo beegsaday saldhig ciidamada Gorgor iyo kuwa Boolis Milataaro ku leeyihiin xaafadda Alfaras oo ka tirsan laanta Horseed ee magaalada Baydhaba.
Dagaalka ayaa ku bilowday madaafiicda goobta, waxaana xigay iska hor imaad toos ah oo dhexmaray labada dhinac, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac.
Wararka ayaa sheegaya in dagaalka oo qaatay ku dhawaad hal saac ay waxyeelo kasoo gaartay dad shacab ah oo ay ku jiraan carruur iyo haween, kuwaas oo la dhigay isbitaalka guud.
Sidoo kale waxaa jira khasaare kale oo soo gaaray qaar kamid ah askarta dagaalantay, inkastoo aan tiro ahaan si rasmi ah loo xaqiijin karin.
Xaaladda ayaa maanta deggan, mana jiro illaa iyo hadda wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga Koonfur Galbeed oo ku aadan dagaalkaasi.
Ciidamada weerarka qaaday oo horay looga saaray gudaha Baydhaba ayaa muddooyinkan isku uruursanayay deegaannada hoos yimaada magaalada, halkaas oo marar badan ay kasoo qaadeen weerarro arbushaad ah, waxaase ka hortegay ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Si kastaba, dagaalkan ayaa kusoo aaday, xilli dhawaan si rasmi ah loo caleema saaray hoggaamiyaha cusub ee Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Madoobe oo kusoo baxay doorashadii horay uga dhacday gudaha magaalada Baydhaba.

