26.7 C
Mogadishu
Thursday, July 16, 2026

Ninkii dilay taliye Guuleed oo la qabtay iyo ehelkiisa oo sameeyay arrin bogaadin leh

Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada Online) – Ciidanka Booliska Puntland ayaa shaaciyay in gacanta lagu dhigay nin ku eedeysan dilka Taliyihii Saldhigga Booliska degmada Jariiban ee gobolka Mudug, Gaashaanle Guuleed Cabdulqaadir Kadleeye oo lagu dilay weerar ka dhacay degmadaas.

Sida ay sheegeen saraakiisha Booliska Puntland, eedeysanaha oo lagu magacaabo Ibraahim Axmed Kooshin ayaa lagu qabtay howlgal ay ciidamada boolisku fuliyeen, kaas oo ay ka qayb qaateen odayaasha dhaqanka ee deegaanka.

Booliska ayaa sheegay in ninkan laga soo qabtay gudaha magaalada Jariiban, wax yar kadib markii uu ka baxsaday goobta dilka. Waxaana soo qabashadiisa gacan weyn ka geystay ehelladiisa.

Booliska Puntland ayaa caddeeyay in eedeysanaha loo gudbin doono hay’adaha garsoorka ee awoodda u leh, si loo mariyo hannaanka caddaaladda ee Puntland. Waxay sheegeen in baaritaannada kiiska ay weli socdaan, isla markaana la ururinayo dhammaan xogaha la xiriira dhacdada.

Qoraal rasmi ah oo ka soo baxay Taliska Booliska Puntland ayaa lagu yiri “Taliska qaybta Booliska gobolka Mudug ayaa gacanta ku dhigay eedeysane Ibraahim Axmed Kooshin, kaas oo lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay dilkii Taliyihii Saldhigga Degmada Jariiban, Alle ha u naxariistee G/le Guuleed Kadleeye.”

Booliska ayaa intaas ku daray in qabashada eedeysanaha ay suurtagashay kadib iskaashi dhex maray ciidamada ammaanka iyo odayaasha dhaqanka ee deegaanka.

Taliye Guuleed Kadleeye ayaa muddooyinkii dambe si weyn ugu howlanaa la-dagaallanka hubka sharci darrada ah iyo kooxaha burcad-badeedda ah ee ka howlgala deegaannada xeebaha gobolka Mudug.

Dilka taliyaha ayaa gilgilay bulshada degmada Jariiban iyo guud ahaan gobolka Mudug, iyadoo mas’uuliyiin iyo shacabka deegaankuba ay ka tacsiyeynayaan geerida sarkaalkan oo lagu tilmaamay inuu door muuqda ku lahaa sugidda amniga degmada.

Dhacdadan ayaa ku soo beegmaysa xilli Puntland ay xoojisay dadaallada lagu sugayo amniga deegaannadeeda iyo la-dagaallanka hubka sharci darrada ah, burcad-badeedda iyo falalka kale ee amniga lidka ku ah.

Si kastaba, Mas’uuliyiinta amniga ayaa sheegay in baaritaanka kiiskan uu socdo, isla markaana caddaaladda la horkeeni doono cid kasta oo lagu helo inay ku lug lahayd dilka taliyaha.

- Advertisement -

Read more

Local News