25.3 C
Mogadishu
Thursday, July 16, 2026

Is-beddel lama filaan ah: Dalalka Khaliijka oo aqbalay in…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Washington (Caasimada Onlien) — Qaar ka mid ah dalalka Carabta ee Khaliijka ayaa Mareykanka iyo dowladaha Yurub si hoose ugu sheegay in aysan gebi ahaanba kasoo horjeedin bixinta kharash la xiriira ilaalinta marinnada maraakiibta ee Marinka Hormuz, balse ay si adag u diidan yihiin in Iran awood u yeelato maamulidda ama xakameynta marin-biyoodkaas istiraatiijiga ah.

Saraakiil Mareykan iyo kuwo gobolka ah oo arrintan la socda ayaa Middle East Eye u sheegay in dalalka Khaliijku ay kala saarayaan laba arrimood: bixinta kharash lagu xaqiijinayo badbaadada maraakiibta iyo in Tehran loo oggolaado awood ay ku go’aamin karto cidda mari karta Hormuz.

Farriimahaas qarsoon ayaa imanaya xilli dagaalka Mareykanka iyo Iran uu mar kale xoogaystay, maraakiib ganacsina lagu weeraray biyaha u dhow Cumaan, taas oo sare u qaaday walaaca laga qabo hakad ku yimaada dhoofinta shidaalka iyo gaaska Khaliijka.

“Dalalka Khaliijka qaarkood lacagta la bixinayo dhib weyn uma arkaan. Dhaqaale ahaan saameyn muuqata kuma yeelaneyso. Waxa ay doonayaan waa xasillooni,” ayuu yiri sarkaal Mareykan ah oo la hadlay Middle East Eye.

Sarkaal kale oo gobolka ah ayaa sheegay in waxa dalalka Khaliijku ka cabsi qabaan aysan ahayn lacagta, balse ay tahay in Iran ay hesho awood ay markasta ku joojin karto ama ku fasixi karto maraakiibta.

“Ma doonayaan in Iran ay yeelato awoodda ugu dambeysa ee lagu go’aaminayo cidda soo geli karta ama ka bixi karta marin-biyoodka,” ayuu yiri sarkaalku.

Qorshihii Donald Trump

Farriimaha ay dowladaha Khaliijku gaarsiiyeen caasimadaha reer Galbeedka ayaa laga yaabaa inay sharxayaan sababta madaxweyne Donald Trump uu dib ugu soo celiyay fikradda ah in Mareykanka dhaqaale lagu siiyo ilaalinta Marinka Hormuz.

Trump ayaa Isniintii, 13-ka July, sheegay in Mareykanku isu aqoonsan doono “ilaaliyaha Marinka Hormuz”, isaga oo soo jeediyay in Washington ay hesho lacag u dhiganta boqolkiiba 20 qiimaha badeecadaha mara marin-biyoodka.

Waxa uu si gaar ah u magacaabay Sacuudiga, Imaaraadka Carabta, Qatar, Bahrain iyo Kuwait, isaga oo sheegay in dalalkaas ay tahay inay qeyb ka bixiyaan kharashka ciidamada Mareykanka ee ilaalinaya maraakiibta.

Hase yeeshee, hadalka Trump ayaa u muuqday mid ka hor imaanaya mowqifkii xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Marco Rubio, kaas oo bishii June sheegay in sharciyada caalamiga ahi aysan dowladna u oggolaan inay canshuur ama lacag marin ku soo rogto marin-biyood caalami ah.

Trump ayaa Talaadadii, 14-ka July, ka laabtay qorshihii khidmada boqolkiiba 20-ka ahaa, isaga oo sheegay in dalalka Khaliijku beddelkeeda ballanqaadeen heshiisyo ganacsi iyo maalgashi oo waaweyn oo ay la galaan Mareykanka.

“Waxaan go’aansaday inaan lacagtii boqolkiiba 20-ka ahayd ku beddelo heshiisyo ganacsi iyo maalgashi oo ay dalalka Khaliijku ka sameynayaan Mareykanka,” ayuu Trump ku qoray bartiisa Truth Social.

Waxa uu sidoo kale sheegay in madaxda Khaliijku ay diyaar u yihiin inay Mareykanka geliyaan maalgashi “heer aan hore loo arag”.

Go’aanka cusub ayaa meesha ka saaraya khidmad rasmi ah oo maraakiibta lagu soo rogo, balse ma beddelayo aragtida Trump ee ah in Washington ay dhaqaale ku hesho ilaalinta marin-biyoodka.

Trump ayaa sheegay in aysan caddaalad ahayn in Mareykanku kaligiis bixiyo kharashka ilaalinta waddo ay isticmaalaan Shiinaha, dalalka Aasiya, shirkadaha maraakiibta Yurub iyo dalalka Khaliijka.

Marinka Hormuz wuxuu isku xiraa Khaliijka iyo Badda Carabta, waxaana caadi ahaan mara qiyaastii shan meelood meel shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah ee caalamka lagu kala iibsado. Hakad kasta oo ku yimaada wuxuu si degdeg ah u saameyn karaa qiimaha tamarta iyo dhaqaalaha caalamka.

Marin-biyoodku wuxuu ugu yaraan 21 mayl-badeed u dhexeeyaa xeebaha Iran iyo Cumaan, halka sharciga badaha uu dowladaha xeebaha leh u oggolaanayo inay sheegtaan ilaa 12 mayl-badeed oo biyahooda ah.

Heshiiska Qaramada Midoobay ee Sharciga Badaha wuxuu dhigayaa inaan markab lacag looga qaadi karin oo keliya sababta uu u marayo biyaha dal, balse lacag lagu qaadi karo adeeg gaar ah oo dhab ahaan markabka loo qabtay, iyadoo aan maraakiibta lagu kala soocin. 

- Advertisement -

Table of contents [hide]

Read more

Local News