25.5 C
Mogadishu
Wednesday, July 15, 2026

Iiraan oo ku dhawaaqday arrin soo afjareysa rejada Mareykanka

Bookmark
Bookmarked

Share

Tehran (Caasimada Online) – Xiisadda u dhexeysa Mareykanka iyo Iiraan ayaa gashay marxalad xasaasi ah, iyadoo Wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda Iiraan, Kazem Gharibabadi uu Washington ku eedeeyay inay “jebisay” is-afgaradkii u dhexeeyay labada dal kadib markii ay biloowday hawl-gallo militari oo ka dhan ah.

Wasiirka ayaa si cad u sheegay in heshiiskii labada dal uu hadda “si dhab ah u dhammaaday,” taas oo god ku rideysa rejada Mareykanka ee in heshiis la gaaro, iyadoo Iiraan cadaadis lagu saarayo awood milateri.

Gharibabadi ayaa sheegay in tallaabada Mareykanka ay meesha ka saartay fursaddii wada-hadallada, isagoo ku eedeeyay Washington inay dooratay waddada iska hor imaadka halkii ay ka sii wadi lahayd dadaallada lagu xallinayay khilaafka.

Sidoo kale wuxuu xusay in ficillada militari ee Mareykanka ay dhaawaceen kalsoonidii lagama maarmaanka u ahayd sii socoshada wada-xaajoodyada.

Afartii maalmood ee la soo dhaafay Mareykanka iyo Iiraan ayaa isweydaarsanayay weerarro militari. Washington ayaa hawl-galladeeda ku beegsaneysay deegaannada xeebaha ee Iiraan, halka Tehran ay sheegtay inay weerarro ku qaaday saldhigyo ciidan oo Mareykanku ku leeyahay dalalka Khaliijka.

Mareykanka ayaa sheegay in ujeeddada hawl-galladiisu ay tahay in la wiiqo awoodda Iiraan ee ay ku carqaladeyn karto isu-socodka maraakiibta ganacsiga ee gobolka.

Dhanka kale, Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa mar kale ku dhawaaqay xannibaad dhinaca badda ah oo ka dhan ah Iiraan, taas oo sii kordhisay walaaca laga qabo xaaladda amni ee gobolka.

Wada-hadalladii u dhexeeyay Mareykanka iyo Iiraan ayaa muddooyinkii dambe ku socday dhex-dhexaadinta Pakistan iyo Qatar, iyadoo la isku dayayay in xal diblomaasiyadeed looga gaaro xiisadda labada dal.

Si kastaba, Tehran ayaa si cad u diidan aragtida ah in cadaadis militari lagu qasbi karo inay gasho wada-hadal ama ay wax ka beddesho mowqifkeeda ku aaddan Marinka Hormuz.

Iiraan ayaa marnaba aqbali doonin wax wada-xaajood ah oo ku yimaada hanjabaad ama xoog, sida uu sheegay wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda Iiraan.

Hadallada ka soo baxay dowladda Iiraan ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan xiisadaha militari iyo kuwa diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Tehran iyo Washington. Khubarada ayaa ka digaya in haddii aan dib loogu laaban wada-hadallada, colaadda sii xoogeysaneysa ay saameyn ku yeelan karto amniga gobolka, isu-socodka maraakiibta caalamiga ah iyo suuqyada tamarta.

- Advertisement -

Read more

Local News