25.7 C
Mogadishu
Wednesday, July 15, 2026

Xiisadda dekedda Boosaaso oo ka dartay iyo Saciid Deni oo soo hadlay

Bookmark
Bookmarked

Share

Boosaaso (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa markii ugu horreysay ka hadlay xiisadda ka taagan dekedda Boosaaso, taas oo sababtay in ganacsatada ay joojiyaan shaqadii dekedda.

Deni ayaa caddeeyay in maamulka Puntland uusan wax canshuur cusub ah ku soo rogin ganacsatada, balse ay dib-u-habeyn iyo cusboonaysiin ku sameysay khidmadaha adeegyada laga qaado maraakiibta isticmaasha dekedda Boosaaso.

Waxa uu sheegay in Puntland ay mudnaanta koowaad siisay horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, gaar ahaan dekedaha, garoomada diyaaradaha iyo isku xirka waddooyinka, si loo abuuro jawi ganacsi oo xooggan, loona kordhiyo wax-soo-saarka iyo maalgashiga, isagoo tilmaamay in ballaarinta dekedda Boosaaso ay laf-dhabar u tahay qorshaha dowladda ee lagu kobcinayo dhaqaalaha Puntland.

Sida uu sheegay madaxweynuhu, wararka la isla dhexmarayo ee sheegaya in canshuurta dekedda la kordhiyay aysan waxba ka jirin. Wuxuu sheegay in isbeddelka la sameeyay uu quseeyo oo keliya khidmadaha adeegyada laga qaado maraakiibta shisheeye ee badeecadaha keena dekedda, halka canshuurihii rasmiga ahaa ee dowladda ay sidoodii u sii jiraan.

Deni ayaa xusay in dib-u-eegista khidmadahaasi ay ahayd arrin muddo qorsheysneyd, balse dib loo dhigay sababo la xiriiray duruufaha dhaqaale ee dalka iyo dadaallada maamulka ee lagu garab istaagayay ganacsatada xilliyadii adkaa.

Wuxuu sheegay in hadda la gaaray waqtigii la waafajin lahaa khidmadahaasi baahiyaha adeegyada dekedda iyo horumarinteeda.

Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale been abuur ku tilmaamay wararka sheegaya in dekedda Boosaaso ay xiran tahay ama shaqadeedu istaagtay. Wuxuu ku dooday in howlaha dekeddu ay si caadi ah u socdaan, maraakiibtuna ay weli ku soo xirtaan dekedda, shidaalkuna uu si joogto ah uga soo dago, halka howlaha dhoofinta iyo soo dejintuna aysan hakad gelin.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in albaabada ay xireen qaar ka mid ah ganacsatada waaweyn ee magaalada Boosaaso aysan ka dhignayn in dekeddu shaqadii joojisay, isagoo xusay in adeegyada dekedda ay weli socdaan, isla markaana maamulka dekeddu uu gudanayo waajibaadkiisa maalinlaha ah.

Deni ayaa sheegay in maamulka Puntland uu diyaar u yahay wada-shaqeyn iyo wada-tashi lagu xallinayo wixii tabashooyin ah ee jira, iyadoo la ilaalinayo danaha guud.

“Dhamaan dhinacyada ay arrintu khuseyso waa inay ka fogaadaan faafinta wararka aan la hubin iyo xogaha marin-habaabinta ah ee abuuri kara jahawareer,” ayuu yiri hoggaamiyaha maamulka Puntland.

Madaxweynaha ayaa carrabka ku adkeeyay in maamulka ay ka go’an tahay ilaalinta ganacsiga iyo dhiirrigelinta maalgashiga, isla markaana aysan jiri doonin tallaabo dhaawaceysa kobaca dhaqaalaha, isagoo xusay in casriyeynta dekedaha, garoomada diyaaradaha iyo waddooyinka ay muhiim u yihiin tartanka dhaqaale iyo soo jiidashada maalgashiga gudaha iyo kan dibadda.

Hadalka Deni ayaa ku soo beegmaya xilli ay cirka isku shareertay cabashada ganacsatada waaweyn ee isticmaasha dekedda Boosaaso, kuwaas oo maalmahan sameeyay shaqo-joojin ay uga soo horjeedaan lacagaha ay sheegeen in lagu kordhiyay adeegyada dekedda.

Ganacsatadu waxay ku doodayaan in kororkaasi uu sare u qaadayo kharashaadka ganacsiga, isla markaana uu saameyn ku yeelanayo qiimaha badeecadaha.

Muranka u dhexeeya maamulka Puntland iyo ganacsatada ayaa saameyn ku yeeshay dhaq-dhaqaaqii ganacsiga ee magaalada Boosaaso, iyadoo xarumo ganacsi oo waaweyn ay maalmo badan albaabada u xiran yihiin.

- Advertisement -

Read more

Local News