27.3 C
Mogadishu
Monday, June 9, 2025

Agoontii ay xanaaneyn jirtay marwada madaxweyne Xasan oo banaan cidlo ah kusoo dhacay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Usaame Cabdi Nuur Cali waxa uu ka mid yahay caruurta muddo labo sano ah ku jirta xerada Daryeel ee  dhaqan celinta caruurta darbi jiifka ah  iyo agoonta taasi oo ku taallo degmada Cabdi Caziiz ee gobolka Banaadir.

Usaame iyo koox kale oo la socotay ayaa laga soo qabtey degmada Xamar-weyne, halkaas oo ay ku isticmaali jireen waxyaabaha maanka dooriya sida koolada iyo waxa kale ee la midka ah.

Xuruntaan Daryeel waxaa markii hore furtay marwada madaxweynihii hore ee Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana xilligaasi ku jiray 332 caruur ah, kuwaas oo badankood darbi jiif ahaayeen, balse doorashadii dalka ka dib waxaa meesha ka baxday ka warqabkii marwo Sahro Cumar taasi oo ka warqabi jirtay xaruntaan, waxaan caruurtaan soo wajahday nolol ka liidata tii markii hore ay ku heysteen xeradaan.

“ Markii hore oo la ikeenayay waxaa la ii keenay daryeel xumo anoo daraagis ku jira qumbulad isticmaalayo, maanta halkaan markaan imid waxaan ku arkay nolol fiican daawo waxbarasho wanaagsan, marwadii hore ee madaxweynaha ayaa namaal galin jirtay waxaa joogaa halkaan labo sano iyo bar, doorashada ka dib waan weynay wax namaal galiya “.

Hadda xarunta Daryeel waxaa ku jira caruurr tiradooda ay gaareyso 200, waxaana xeradaan ka baxay 132 caruur ah kuwaas oo dib ugu laabtay halkii labo sano ka hor laga keenay .

Xaliimo Cabdulle Cali oo ah maamulaha xerada Daryeel ayaa waxay digniin u dirtay dowladda Fedaraalka Soomaaliya taasi oo ah haddii aan laga soo gaarin caruurtaan in ay inta kale ay dib ugu noqon doonaan meeshoodii.

“ Wax badan oo saameyn ah ayay nagu yeelatay, maxaa yeelay caruurtaan waxay ahaayeen 332 canug annaga waan xamili weynay, waxaa ku jira dad waaweyn caruurtii aan heyn jirnay oo quruxda badnaa iyaga oo qof bani’aadn ah aan u e keen ayay waddooyinka daad sanyihiin”.

Ubax Maxamuud Nuur oo ah gabar u dhaq-dhaqaaqda bulshada rayidka ayaa maamulka gobolka banaadir iyo cid kasta oo wax ka qaban karto arrintaani ugu baaqday in ay gacan lixaad leh ka geystaan sidii loo caawin lahaa caruurta lagu xanaaneeyo xerada Daryeel .

“ In caruurtaan meeshaan  lagu haayo maamadii hore ee xaaskii madaxweyne Xasan Sheikh ayaa horay u heyn jirtay iyada ayaana mas’uul ka aheyd guddoomiyihii hore gobolkana waxa uu ku bixin jiray dhaqaalo, caruurtaan kaliya uma baahno cunto lasiiyo, waxay u baahanyihiin caafimaad waxbarasho”.

Labo sano iyo bar ayaa caruurtaan iyo kuwa kale oo la midka ah ku nool yihiin xerada Daryeel noloshooda marka ay bilaabaneysay oo xerada la geynayay waxay ahaayeen kuwo rajo iyo mustaqbal ifaya leh, balse hadda waxaa soo wajahday mustaqbalkooda mugdi.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Table of contents [hide]

Read more

Local News