Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Ururka Ahlu sunna ayaa gurmad ciidan ka helay magaalada Guriceel iyo deegaanka Xeraale ee gobolka Galgaduud, waxayna dagaal rogaal celis ah ku qaadeen degmada Dhuusomareeb ee gobolka Galgaduud.
Dagaalka rogaal celiska ah ayaa wuxuu xoogiisa ka dhacay xaafada waxar-cadde ee magaalada Dhuusomareeb, waxaana la sheegayaa in ciidamada Ahlu sunna dib u qabsadaan magaalada Dhuusomareeb.
Dagaal xoogiisa ayaa ka socdo duleedka magaalada Dhuusomareeb ee gobolka Galgaduud, oo dagaalka waa la iskala baxay bartamaha magaalada Dhuusomareeb ee bartamaha Soomaaliya, sida dadka deegaanka u xaqiijiyeen Caasimada Online.
Ciidamada gurmadka ee u tagay Ahlu sunna ayaa la sheegayaa iney taageereen ciidamadii Ahlu sunna ee xalay laga qabsaday saldhiga magaalada Dhuusomareeb.
Warar kale oo aan heleyno ayaa sheegaya in ciidamada Galmudug kusoo biireen dagaalka ka socdo duleedka magaalada Dhuusomareeb gaar ahaan deegaan ku yaala halka laga galo magaalada.
Lama oga ilaa iyo hadda khasaaraha ka dhashay dagaalka, waxaana adag in la helo xogaha dagaalka ku saabsan.
Caasimada Online
Xafiiska Galgaduud
[email protected]