Gaalkacyo (Caasimada Online) – Maamulka Galmudug ayaa hanjabaad adag u jeediyay maamulka Ahlu sunna ee gobolada dhexe oo ay sheegeen inuu colaad ka waddo deegaanada maamulka Galmudug.
Cismaan Ciise Nuur Taardhuleed oo wasiirka amniga ka ah maamulka Galmudug ayaa sheegay ineysan u dulqaadan doonin daandaansiga maamulka Ahlu sunna ka wado deegaanada gobolka Galgaduud, sida uu sheegay.
Ahlu sunna ayuu sheegay iney hub urursi iyo dhaqaaqyo ciidan ka wadaan duleedka degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud, isagoo ka digay inlagu dul dagaalamo markale shacabka gobolka Galgaduud.
Hanjabaad uu saacado kahor ka jeediyay wasiirka amniga magaalada Gaalkacyo kadib dagaal xoogan ayaa xalay ka dhacay magaalada Dhuusomareeb, kaasi oo sababay in magaalada laga saaro Ahlu sunna, wallow ay dib u qabsadeen.
Sidoo kale ciidamada Galmudug ayaa waxay Ahlu sunna ka saareen deegaanka Mareergur ee gobolka Galgaduud.
Galmudug ayaa isku dayday iney wadahadal kula hishiiso Ahlu sunna balse ma aysan dhicin, inkastoo ay socdaan dadaalo la doonayo in lagu dhex dhexaadiyo Ahlu sunna iyo Galmudug.
Caasimada Online
Xafiiska Mudug
[email protected]

