29.9 C
Mogadishu
Sunday, May 10, 2026

Dagaalka ka socda Galgaduud oo xoogeystay iyo Ahlu-Suna oo laga saaray deegaano badan (Xog)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa Dagaal culus oo xiligaani ka socda Magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud.

Dagaalka ayaa waxa uu u dhexeeya Ciidamo ka tirsan Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlusunna iyo Ciidamo daacad u ah Sarkaal ka tirsan Milliteriga DFS oo lagu magacaabo Liibaan Madaxweyne.

Dagaalka ayaa waxa uu hadda kusii fiday deegaano farabadan oo ka tirsan magaalada Dhuusamareeb, waxaana lasoo sheegayaa in Ciidamada uu hogaaminaayo Liibaan Madaxweyne ay qabsadeen xarumo badan oo ay ku sugnaayen Ciidamada Ahlusuna.

Ciidamada Liibaan Madaxweyne ayaa qabsaday goobo muhiim ah oo ay kamid tahay Xaafada Waabari iyo Bankiga magaalada Dhuusamareeb oo ahmiyad gaar u lahaa maamulka Ahlusuna.

Dhinacyada uu dagaalka u dhexeeyo ayaa isku adeegsanaaya hubka culus waxaana jiro khasaaro badan oo ka dhashay dagaalka.

Afhayeenka maamulka Mursal Xeefow, ayaa isna sheegay in Ciidamada Ahlusuna ay gacanta ku hayaan inta badan magaalada waxa uuna sheegay in dhinaca Liibaan Madaxweyne ay ka qabsadeen Hub iyo Gaadiid dagaal.

Xeefow waxa uu sheegay in sidoo kale ay gacanta ku hayaan dhaawacyo iyo meydadka Askar ka tirsan Ciidamada uu hogaaminaayo Liibaan Madaxweyne.

Ma cadda warbixin xaqiijinkarta in Ahlusuna ay qabsatay Hub iyo Gaadiid dagaal, waxaa iminka wali socda dagaalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News