Ahlu-Sunna oo shir maamul loogu sammeynayo gobolada dhexe kaga dhowaaqday Dhusomareeb

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Maamulka Ahlu Sunna Wal Jamaaca ee dhawaan la wareegey gacan ku heynta magaalada Dhuusamareeb ayaa ku dhawaaqay in halkaasi ku qabanayaan shir maamul loogu sameynayo gobolada Mudug iyo Galgaduud.

Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, sii hayaha guddoomiyaha guddiga fulinta ee Ahlu Sunna ayaa isu imaatin ka dhacay Dhuusamareeb ka sheegey in ay fidiyeen gogosha shirka, oo lagu sameynayo maamul gobolada Mudug iyo Galgaduud.

“Ujeedada iyo hadafka laga leeyahay kulankani waxa weeye maadaamaa horey ay u fidsaneyd gogoshii ay horey u fidisey maamulka Ahlu Sunna Wal Jamaaca taas oo maamul loogu sameynayo gobolada Mudug iyo Galgaduud, hakadna uu horey ugu yimid, mudadii hakadka ahayd in dardar la galiyo, ee miro dhalkeedii loo gudbo, ujeedada kulankani waa intaasi kaliya” ayuu yiri Sheekh Maxamed Shaakir.

Go’aankani kasoo baxay Ahlu Sunna ayaa imanaya xili maanta magaalada Cadaado lagu dhaariyey xildhibaanada baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug ee halkaasi muddo loo fadhiyey dhismaheeda, iyada oo lagu wado in 2 todobaad gudahood lagu doorto madaxweyne.

Dhuusamareeb ayaa ah caasimadda maamulka Galmudug sida ku qoran dastuurka maamulkani ee dhawaanta la ansixiyey, inkasta oo hadda la sheegayo in Cadaado ay si KMG ah usii ahaan doonto.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com