Axmed Madobe oo la saftay Puntland kuna biiray dagaalka ka dhanka ah G/dhexe + 2 is-baheysi

Kismaayo (Caasimada Online)- Maamulka Puntland ayaa maalin ka hor war qoraal ah kasoo saaray xuduuda maamulka gobolada dhexe uu la wadaagayo gobolka Nugaal, oo maamulka Puntland uu ka carooday kadib markii la ansixiyay dastuurka gobolada dhexe.

War saxaafadeed kasoo baxay maamulka Axmed Madoobe ayaa lagu taageeray go’aanka maamulka Puntland ka qaadatay maamulka loo sameynayo gobolada dhexe ee dalka oo ku aadanaa inuu horseedayo dagaalo sokeeye oo ka dhaca gobolada dhexe ee dalka.

Warsaxaafadeed kasoo baxay maamulka Jubba ayaa lagu sheegay iney ka digayaan in dhibaatooyin laga dhex abuuro shacabka ku dhaqan gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya.

Qoraalkan ayaa waxa uu caddeyn u yahay sida federaalka la qabyaaladeeyay uga shaqeynayo Soomaalida maanta, waxaana muuqaalkii ugu horeeyay yeelanaya isbaheysi degaan iyo qabiil ku dhisan oo ay yeelan doonaan maamulada dalka ka jira.

Maamulka K/Galbeed ee Shariif Xasan hogaamiyo ayaa si buuxda u taageersan maamulka cusub ee gobolada dhexe, iyadoo socdaalka uu guddoomiyaha baarlamaanka Prof. Jawaari ku tegay Cadaado tilmaan u yahay xaaladda cusub ee la gelayo. Waxaa hadda muuqda in laba qeybood oo kala jaban yahay iyadoo dowladda federaalka madaxdeedana ay taageerayaan qeybta K/Galbeed + Galmudug-ta cusub.

Warsaxaafadeed-Jubbaland

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo 
Caasimada@live.com