MUUNGAAB oo shaqada ke eryey 60 ka mid ah..!

Muqdisho (Caasimada Online) – Wareegto kasoo Baxday Xafiiska Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen Muungaab, ayaa waxaa shaqada looga eryay ku dhawaad 60 shaqaale.

Shaqaalaha uu eryay Mungaab ayaa isugu jira Agaasimayaal, Saraakiil ciidan iyo Taliyayaal, waxaana la tilmaamayaa in eryintooda uu maankiisa ka maagay kadib markii ay ka gudbiyeen Dacwado.

Mas’uuliyiinta laga eryay ayaa qaarkood diiday inay u hogaansamaan amarka kadib markii Wareegtada ay ku sheegen mid Mungaab uu jeebkiisa kala imaaday.

Lama Oga sida ay u dhaqan gali doonto wareegtadaasi, waxaana jiro warar sheegaya in dacwado ay gaaren Xafiiska Wasiirka arrimaha Gudaha iyo Madaxweyne Xassan Sheekh.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com