Yaa ku guuleystay doorashada dalka ETHIOPIA?!

Muqdisho (Caasimada Online) – Wakaalada wararka dalka Ethiopia ayaa shaacisay Natiijadii doorashadii guud ee Bishii May ka dhacday dalka Ethiopia oo ay ku tartamayeen Mas’uuliyiin badan.

Wakaalada oo soo xiganeysa gudoomiyaha gudiga doorashooyinka qaranka Merga Bekana ayaa shaacisay in xisbiga talada haya ee ‘’Eprdf’’ uu mar kale ku guulaystay dhamaan kuraastii Baarlamaanka Ethiopia.

Sidoo kale, Xisbiga talada haya ee ‘’Eprdf’’ ayaa la sheegay inuu helay Cod dhan 546 halka kursi ee dhimana la sheegay inuu isagu ku guulaysanayo.

Gudiga doorashada ayaa sheegay in guud ahaan tirade kuraasta Baarlamaanka Dalka Ethiopia ay tahay 547.

Tan ayaa noqoneysa doorashadii sadaxaad ee xisbiga ‘’Eprdf’’ uu ku guulaysto talada dalka tan iyo kolkii xilka laga tuuray taliskii Mengistu Hailemariam.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com