MAAMULKA JUBBALAND: XAMAR dhib aan loo dul-qaadan karin ayay nala daba taagan tahay” !!

Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdinaasir Seeraar Maax oo ah Afhayeenka Maamulka Jubaland ayaa warbaahinta uga warbixiyay heerka uu gaarsiisan yahay Khilaafka sii liidanaaya ee Maamulka kala dhexeeya DF Somalia.

Seeraar oo la hadlay BBC-da waxa uu sheegay inay qaati ka taagan yihiin Dowlada Federaalka ah ee Somalia, waxa uuna tilmaamay in goortii ay damcaan inay qaadan talaabo hormar ah ay DF Somalia is hortaageyso.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Madaxda ugu sareysa ee dalka ay gabi ahaanba ku shaqeynayaan aragti shaqsi gaar ah, taasina ay keentay in BF Somalia uu laado BJ oo uu sheegay in cadaalad lagu soo xulay.

Sidoo kale, Mr Seeraar ayaa amaanay Ra’isul wasaaraha Somalia Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke oo uu sheegay in ilaa xad uu Mas’uuliyiinta Maamulka ka qanciyay caradii ay ka qaaden kala dirista BJ.

Wuxuu rajo wanaagsan ka muujiyay miraha ka dhalankara booqashada ay ku gaari doonaan Magaalada Muqdisho waxa uuna carabka ku adkeeyay in Ra’isul wasaaraha uu u ballanqaaday in laga qancin doono go’aanka lagu kala diray BJ iyo sababta ka dambeysay.

Geesta kale, Madaxweyne Xassan iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Somalia Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari ayuu ugu baaqay inay garwaaqsadaan dhibta kala heysta BF iyo BJ ee heerka xun gaarsiisan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com