Ahlu Sunna oo xoojisay difaaca hore ee Guriceel iyo wararkii ugu dambeeyey

Guriceel (Caasimada Online) – Ahlu Sunna oo dareensan in col kaga soo wajahan yahay Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Galmudug ee ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud ayaa wadda qorshaheedii ugu dambeeyay, ee ay ku doonayso inay ku difaacato gacan ku haynta Magaalada Guriceel.

Ujeedka Madaxtooyada Galmudug ayaa u muuqdo in la weeraro Magaalada Guriceel, oo 1-dii bishan ay bilaa dagaal kula wareegeen Xoogaga Ahlu Sunna, iyadoona Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) lagu eedeeyay inuu wadadii wada hadalada ka beeray, uuna doortay dagaal uu la galo Xoogaga Ahlu Sunna.

Ahlu Sunna ayaa saacadihii la soo dhaafay ciidan badan gaysay aagga deegaanka Ceeldheere, oo qiyaastii 30km dhinaca koonfureed kaga beegan Magaalada Dhuusamareeb, halkaasoo ah difaaca hore ee Guriceel. Ceeldheere ayaa ku taalo wadada xiriirisa Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya haddii la weeraro Magaalada Guriceel in Xoogaga Ahlu Sunna ee ku sugan deegaanka Bohol, ay ku dhaqaaqi doonaan Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug. Bohol waxay qiyaastii 20km dhinaca waqooyi uga beegan tahay Magaalada Dhuusamareeb.

Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ka mid ah Hoggaanka Ahlu Sunna ayaa mar sii horeysay sheegay inaanay iyagu doonayn dagaal ay la galaan Galmudug, balse haddii lagu khasbo aanay gacmaha is dul saaran doonin.

Dadaalo ay tan iyo Arbacadii Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ka dhex wadeen labada dhinac ayaa u muuqdo kuwo guuldareystay.

Wasiirkii Amniga Galmudug, Axmed Macalin Fiqi ayaa Khamiistii sheegay in istiqaaladiisa uu u gudbiyay Madaxweynaha Galmudug, ka dib markii uu sheegay inay isku fahmi waayeen in wada hadal lagu xaliyo xiisadda maamulka kala dhaxeysa Hoggaanka Ahlu Sunna.

Nabadoon Cabdi Guure Cali oo ka mid ah Odayaasha Dhaqanka ee Galmudug ayaa Madaxweyne Qoorqoor ku eedeeyay inuu u biro tumanayo dagaal aan natiijadiisa la sii saadaalin karin.

Haddii aan laga baaqsan dagaalkan waxa uu galaafan doonnaa nolosha dad badan, waana xilli Shabaabkii Gobolada Dhexe ku sugnaa ay weli haystaan deegaanadii ay horey uga qabsadeen Galmudug.