26.9 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Ahlusuna oo amar ka dalbatay Dowlada Somalia (Muxuu yahay amarka)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Cadaado (Caasimada Online)-Hogaamiyaha maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlusuna Waljaamaaca Sheikh Maxamed Shaakir Cali Xassan, ayaa shaaca ka qaaday in Ahlusuna ay diyaar u tahay in ciidamo ay geyso deegaanada ay ka baxeen ciidamada Ethiopia.

Shaakir, waxa uu tilmaamay in Ahlusuna ay awood u leedahay inay buuxiso deegaanada ay baneeyen ciidamada Ethiopia, gaar ahaan degmada Ceel Buur ee gobolka Galgaduud.

Waxa uu sheegay in ciidamada Maamulka Gobolada dhexe ay diyaar u yihiin in DFS ay amar ku bixiso in Ciidamadooda la geyn karo degmada Ceel Buur.

Sheekh Shaakir, waxaa uu sheegay inay buuxin doonaan ciidamada Ahlu sunna baahiyaha ka jira deegaanadaas, iyagoo kaashanayaa Shacabka ku dhaqan Ceel Buur iyo Degaanada ku dhow, oo uu ugu baaaqay inay la shaqeeyaan ciidamada Ahlu sunna.

”DFS ayaan ka dalbaneynaa amar ku aadan in ciidamada Ahlusuna la geeynkaro degmada Ceel Buur oo aan ognahay inay baneeyen ciidamada Ethiopia”

”Wey adkaaneysaa inaan degmadaasi geyno ciidamo anagoo aan amar ka heysan Dowlada Somalia oo leh amarka ugu sareeya”

Dhinaca kale Hogaamiyaha maamulka Gobolada Dhexe, ayaa Madaxweynaha Somalia ugu baaqay inuu il gaara ku fiiriyo degmada ay ka baxeen ciidamada Ethiopia ee iminka haawineysa.

Caasimada Online
Xafiiska Cadaado
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News