Dhageyso: Wasiir Juxa oo ka hadlay sababta keentay inuu tago Magaalada Cadaado

Cadaado (Caasimadda Online) –  Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladda Soomaaliya Cabdi Faarax Juxa ayaa maanta gaaray Magaalada Cadaado oo ah xarunta kumeel gaarka ah ee Maamul Goboleedka Galmudug.

Haddaba Wasiirka ayaa ka hadlay sababta ramiga ah ee keentay inuu safar ku tago Magaalada Cadaado, wuxuuna ka dhawaajiyey inay halkaas isaga iyo wafdigiisa u tageyn sidii ay Madaxda Galmudug ugala hadli lahaayeen arrimo ku aadan Doorashada dhawaan la filayo inay dhacdo.

Wasiirka ayaa ka dhawaajiyey inay Madaxda ka Galmudug kala hadli doonaan sidii doorashadaas looga dhigi lahaa mid loo dhan yahay oo ay ka qeyb noqdaan Ahlu Sunna Waljameeca oo awood ku leh qeybo badan oo ka mid ah Galgaduud.

Juxa ayaa sheegay inuu Cadaado u tagay sidii Ahlu Sunna looga qeyb gelin lahaa doorashada sidoo kalana loo aqbali lahaa codsigii Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ee ku aadanaa in doorashada dib loo dhigo.

Wuxuu sidoo kale sheegay inuu Cadaado u imaaday sidii loo qaban lahaa doorasho lagu wada faraxsan yahay.

” waxaan la kulmi doonaa Odayaasha, siihaya Madaxweynaha, Guddoomiyaha Baarlamaanka si loo qabto Doorasho loo dhan yahay” ayuu yiri Juxa.

Halkaan hoose ka dhageyso dhamaan hadalkii uu Wasiir Juxa siiyey saxaafadda