Sawirro argagax leh oo ka soo baxaya weerarkii argagixiso ee Sweden iyo wararkii ugu dambeeyey

Stockholm (Caasimada Online) – Baabuur xamuul ah ayaa lagu jiiray goob laga dukaameysto oo ku taalla bartamaha magaalada Stockholm ee dalka Sweden, halkaasi oo ugu yaraan saddex qof ay ku dhinteen, sida ay sheegeen warbaahinta Sweden.

Sidoo kale xabado ayaa dhacay.

Booliiska Sweden ayaa sidoo kale sheegay in dhowr qof oo kale lagu dhaawacay dhacdadan, oo ay sheegeen inay ku qeexayaan weerar argagixiso.

Goobjoogeyaal ayaa warbaahinta gudaha u sheegay inay arkeen baabuurka xamuulka oo si kula talo-gal ah loogu wado daaqadda dukaanka Ahlens, islamarkaana ay arkeen meydad badan oo dhulka daadsan.

“Waxaa jira jahwareer, mana aqaan inta qof ee dhaawaca ah. Dad badan ayaa qaracsan” waxaa sidaas yiri Leif Arnmar oo ka shaqeeya dukaanka, kaasi oo la hadlay warbaahinta dowladda ee SVT.

Ra’iisul wasaaraha Sweden, Stefan Lofven ayaa sheegay in wax walba ay tilmaamayaan in ficilkan uu ahaa mid argagixiso, islamarkaana la xiray qof lala xiriirinayo weerarka. Ma uusan bixin faahfaahin intaas dheer.

Shirkadda iska leh baabuurka xamuulka ayaa sheegtay in goor sii horeysay la afduubtay baabuurka, xilli uu alaab u siday maqaayad.

Caasimada Online
Xafiiska Stockholm
caasimada@live.com