Muqdisho (Caasimada Online) – Duqa Magaalada St. Louis Park ee gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka, Naadiya Maxamed ayaa maanta soo gaartay magaalada Muqdisho, halkaas oo si diirran loogu soo dhaweeyay.
Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cadde waxaa ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo xubno kale, kuwaas oo muujiyay sida ay ugu faraxsan yihiin booqashadeeda Soomaaliya.
Naadiya Maxamed ayaa hadal kooban oo ay siisay warbaahinta markii ay soo gaartay garoonka Muqdisho ku sheegtay inay aad ugu faraxsan tahay dib ugu soo laabashada dalkeeda hooyo, kaddib muddo ku dhow toban sano.
Waxay sheegtay in booqashadeedii ugu dambeysay ee Soomaaliya ay ahayd sannadkii 2016, iyadoo xustay in isbeddel muuqda uu ka dhacay magaalada Muqdisho tan iyo xilligaas.
“Waan ku faraxsanahay inaan maanta joogo dalkeyga hooyo ee Soomaaliya. Sannadkii 2016 ayay iigu dambeysay inaan Soomaaliya imaado,” ayay tiri Naadiya Maxamed.
Duqa Magaalada St. Louis Park ayaa sidoo kale bogaadisay horumarka ay ku talaabsatay magaalada Muqdisho, waxayna ku baaqday in la sii xoojiyo dadaallada lagu horumarinayo dalka iyo adeegyada bulshada.
Naadiya Maxamed ayaa caan ka noqotay siyaasadda Mareykanka kadib markii bishii November 2023 loo doortay Duqa Magaalada St. Louis Park, iyadoo heshay 58.4% codadkii la dhiibtay, taasoo ka dhigtay duqii ugu da’da yaraa ee loo doorto xilkaas magaaladaas.
Booqashada Naadiya Maxamed ee Muqdisho ayaa ku soo beegmeysa xilli xubno badan oo ka tirsan qurba-joogta Soomaaliyeed ay kordhinayaan booqashooyinka ay ku tagayaan dalka, si ay uga qeyb qaataan horumarka, maalgashiga iyo xoojinta xiriirka ay la leeyihiin bulshada Soomaaliyeed.
Hoos ka daawo

