25.1 C
Mogadishu
Friday, July 3, 2026

Al-Shabaab oo habeenkii lagu arkay duleedka Muqdisho

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imanaya duleedka magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab lagu arkay habeenkii deegaannada Ceelasha Biyaha iyo Macaane, halkaas oo ay ka sameeyaan roondo iyo dhaqdhaqaaqyo amni-darro abuuray.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in xubnaha Al-Shabaab ay kusoo dhowaadeen xaafado ka tirsan Ceelasha Biyaha iyo Macaane, iyaga oo dadka shacabka ah ku qasba inay bixiyaan xog la xiriirta dhaqdhaqaaqa maalinlaha ah ee deegaanka iyo cid kasta oo xiriir la sameysa ciidamada dowladda.

Ceelasha Biyaha, gaar ahaan xaafadda Al-Nasri 3, waxaa saldhigyo ku leh ciidamo ka tirsan Nabad-sugidda iyo Booliska Milateriga, kuwaas oo loogu talagalay inay sugaan amniga guud ee deegaanka iyo koontaroolka waddooyinka muhiimka ah ee gala magaalada Muqdisho.

Hase yeeshee, dadka deegaanka ayaa sheegay in marka ay qorraxdu dhacdo ay xaafadaha qaar soo galaan maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo mararka qaar la wareega dhaqdhaqaaqa xaafadaha, xilli ciidamada dowladda ay inta badan dib ugu laabtaan saldhigyadooda.

Wararka ayaa intaas ku daraya in gaadiid nooca Toyota Noah ah, oo ay saaran yihiin rag hubeysan, habeenno badan lagu arkay xaafado ka tirsan Ceelasha Biyaha iyo Macaane. Xaafadaha Qoor Suul iyo Macaane ayaa ka mid ah meelaha ugu badan ee lagu arkay gaadiidka iyo xubnaha kooxda.

Dadka deegaanka ayaa sidoo kale sheegay in marka ay laamaha ammaanka ku wargeliyaan in xubno ka tirsan Al-Shabaab ay soo galeen xaafadaha, aysan helin jawaab degdeg ah ama gurmad muuqda, taas oo keentay in qaar badan oo shacabka ka mid ah ay ka gaabsadaan gudbinta xogta amni ee ay hayaan.

Dhanka kale, deegaannada Ceelasha Biyaha iyo Macaane, oo ka mid ah xaafadaha si degdeg ah u koraya ee duleedka Muqdisho, ayaa sidoo kale wajahaya dhibaatooyin ka dhasha kooxaha loo yaqaan Ciyaal Weero iyo burcad hubeysan oo dadka ku dhibaateeya waddooyinka xaafadaha.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in kooxahan ay dadka dhacaan marka ay habeenkii ka soo degaan waddooyinka waaweyn ama ay ku socdaan xaafadaha gudaha, iyadoo mararka qaar ay dadka u geystaan jirdil iyo dhaawacyo haddii ay ka waayaan lacag ama taleefanno ay ka qaataan.

Toddobaadyadii la soo dhaafay, waddada cusub ee marta xaafadda Macaane waxaa ka dhacay qaraxyo iyo weeraro lala beegsaday ciidamo ka tirsan dowladda. Miinadii ugu dambeysay ayaa lagu aasay agagaarka Isbitaalka Bilaal oo ku yaalla xaafadda Macaane, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Dowladda ayaa dhowaan ciidamo isugu jira Nabad-sugid iyo Milateri geysay xaafadda Macaane, maadaama deegaankaas loo arko marin muhiim ah oo isku xira gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose, isla markaana ay adeegsan karaan kooxaha hubeysan.

Illaa hadda ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay laamaha ammaanka dowladda oo ku saabsan cabashada dadka deegaanka iyo dhaqdhaqaaqyada lagu sheegay in Al-Shabaab ay ka waddo Ceelasha Biyaha iyo Macaane.

- Advertisement -

Read more

Local News