Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka ayaa gurmad u fidisay muwaadiniin Soomaaliyeed oo laga soo celiyey dalka Liibiya, kuwaas oo muddo ku xirnaa xabsiyo ku yaalla dalkaas, isla markaana la kulmay dhibaatooyin kala duwan.
Muwaadiniinta la soo celiyey oo tiradoodu gaareyso ku dhawaad 130 ruux ayaa isugu jira dhallinyaro iyo waayeel. Dib-u-celintooda ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu soo badbaadinayo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan waddamada ay u tahriibaan.
Markii ay soo gaareen magaalada Muqdisho, waxaa si toos ah loo geeyey xarunta Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka, halkaas oo loogu sameeyey diiwaangelin iyo soo dhoweyn.
Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka, Liibaan Cabdi oo la hadlay muwaadiniinta dib loogu soo celiyey dalka ayaa sheegay in hay’addu u diyaarisay adeegyo kala duwan oo lagu taageerayo.
Waxa uu sheegay in muwaadiniinta loo sameyn doono baaritaanno caafimaad oo lacag la’aan ah, si loo ogaado xaaladdooda caafimaad loona siiyo daryeelka ay u baahan yihiin.
Sidoo kale, guddoomiyaha ayaa xusay in muwaadiniinta la diiwaangelin doono Adeegga Aqoonsiga Qaranka (NIRA), isla markaana hay’addu ka taageeri doonto sidii ay ula midoobi lahaayeen ehelladooda iyo qoysaskooda.
Guddoomiyaha ayaa sidoo kale u ballan-qaaday muwaadiniinta in hay’addu ka caawin doonto helitaanka fursado shaqo iyo waxbarasho, isaga oo xusay inay garab taagan tahay dib-u-dhiskooda nololeed iyo dib ula qabsigooda bulshada.











