Muqdisho (Caasimada Online) — Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii ugu horreysay ka hadlay khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda federaalka iyo maamulka Puntland. Madaxweynaha ayaa si qodob-qodob ah uga hadlay khilaafkaas, isagoo iftiimiyay arrimo muhiim ah oo uu sheegay in Saciid Deni uu ka hor istaagay shacabka Puntland.
Madaxweyne Xasan, oo ka hadlayay xiritaanka munaasabadda maalmaha Xorriyadda, ayaa sheegay in maamulka Puntland iyo hoggaankiisu ay xilligan hor istaageen horumarka iyo waxbarashada deegaannada Puntland.
Xasan Sheekh ayaa shaaciyay in maamulka Puntland uu hor istaagay mushaharka ilaa 800 macallin oo loogu talagalay inay horumariyaan waxbarashada ardayda Puntland. Wuxuu maamulka ku eedeeyay inuu carqaladeeyay wax kasta oo horumar ah.
“Dowlad-goboleedka Puntland ayaa diiday in 700 ilaa 800 macallin oo loogu talagalay inay ka noqdaan macallimiin dugsiyada hoose/dhexe laga qoro deegaankaas. Waxaa sidoo kale loogu talagalay in machad lagu tababaro macallimiintaas si ay uga shaqeeyaan dugsiyada ku yaalla deegaannadaas,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan, isagoo sheegay in aanay sii qarin karin arrintaas ay Puntland diidday.
“Ma sii qarin karo in maamulka uu hoggaamiyo Saciid Deni uu diiday oo hor istaagay horumarinta waxbarashada iyo qorista macallimiinta iskuullada. Dowlad-goboleedyada kale waa laga qoray macallimiinta, tababarkana way qaateen. Manhajkii dowladda sameysay ee lagu tababaray ayay dhigaan,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan, oo sheegay in markii ugu horreysay dalka Soomaaliya ay ka dhaqan gashay shahaado mideysan oo caalamku aqoonsan yahay.
Madaxweynaha ayaa sheegay in deegaannada kale ee dowlad-goboleedyada laga qoray macallimiinta, isla markaana dhaqaalihii loogu talagalay ay bixiso dowladda federaalka. Wuxuu sidoo kale sheegay in dugsiyada deegaannadaas lagu dhigto manhajkii ay qorsheysay dowladda dhexe.
Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in qof kasta oo hor istaaga nidaamka dowladeed iyo nidaamka waxbarasho, isla markaana siyaasad ka dhigta, uu diidan yahay horumarka guud ee dalka iyo mustaqbalka dhalinyarada Soomaaliyeed.
Xasan Sheekh ayaa farriintiisa ku sheegay in aysan jirin xumaan ay Puntland u qabaan, isla markaana dalka iyo dadka Soomaaliyeed ay u siman yihiin, ayna u dhaarteen ilaalinta danahooda. Wuxuu tilmaamay in la federaaleeyay nidaamka iyo adeegga dadka loo fidinayo, balse aan la federaaleyn shacabka Soomaaliyeed, maadaama aysan kala qeybsami karin oo ay yihiin hal shacab.
Madaxweynuhu wuxuu sheegay in nidaamka federaalka loo keenay in adeegga dadka loogu dhoweeyo, iyo in shacabka Soomaaliyeed ay wakiillo ku yeeshaan talada dalka halka ay ka go’do. Hase yeeshee, wuxuu sheegay in markii wakiilladii laga keenay dacallada dalka la tashaday, ay jireen shaqsiyaad gaar ah oo diiday taladii la isla qaatay.
“Walaalaha Soomaaliyeed ee Puntland, waan sheegayaa aniga. Iyagu way og yihiin, annaguna waan ognahay, Allena waa og yahay in hoggaanka meeshaas jooga uu Soomaaliya ka gooyay dhinac walba. Afka marka laga reebo in ay Jamhuuriyadda ka mid yihiin, maanta dowladda federaalka iyo Puntland wax ka dhexeeya ma jiraan. Wax walba waa la jaray oo waa la joojiyay,” ayuu si kulul u yiri Madaxweyne Xasan, oo ka hadlay siyaasadda adag ee Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni.
Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in aysan jirin wada-shaqeyn ka dhexeysa dowladda federaalka iyo maamulka Puntland, halka maamul-goboleedyada kale ay si guud ula shaqeeyaan dowladda federaalka. Wuxuu intaas ku daray in maamulka Puntland uu Muqdisho dad u soo diro marka laga hadlayo arrimaha siyaasadda.
Mar uu ka hadlayay wararkii maalmihii u dambeeyay la isla dhexmarayay ee sheegayay in dad Muqdisho laga soo diray ay qalqal gelinayeen amniga iyo siyaasadda Puntland, Madaxweyne Xasan wuxuu ku tilmaamay eedeymahaas kuwo been abuur ah oo la doonayo in dadka lagu kiciyo.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale soo hadal qaaday ciidamada iyo shaqaalaha dowladda ee Puntland oo uu sheegay in muddo siddeed bilood ah aysan helin xuquuqdooda mushahar. Wuxuu sheegay in haddii ay cabasho muujiyaan aan lagu tilmaami karin inay fidno iyo qalalaase kicinayaan. Wuxuu caddeeyay in dowladda Soomaaliya ay u taagan tahay midnimada iyo xasilloonida guud ahaan dalka.
Madaxweynaha ayaa carabka ku adkeeyay in magaalada Muqdisho, oo ah caasimadda ummadda Soomaaliyeed, looga shaqeeyo wanaagga iyo difaaca danaha ummadda Soomaaliyeed, balse aan looga shaqeyn kala geynta iyo kala dhantaalidda bulshada.
“Adeer, adiga haddii aad muraadkaaga sidii aad rabtay ku weyday, qaab kale oo lagu heli karo u raadso. Haddii aad dood qabto, miiska soo saar. Imaaw, waan diyaar u nahay inaan kula doodno. Inaan kuu nimaadno diyaar ayaan u nahay. Haddii aad noo timidna waan ku soo dhoweynay oo waan ku sharafnay. Welina diyaar ayaan u nahay inaan kula fariisanno oo kula doodno,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan, oo si toos ah ula hadlay Saciid Deni.
Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in uusan keliya la hadlayn Saciid Deni, balse sidoo kale kooxaha mucaaradka ah aysan haysan ajande cad oo ay si toos ah u soo bandhigeen, marka laga reebo inay ku doodaan kala tag iyo wax uu ku tilmaamay wax aan jirin.
Madaxweynaha ayaa carabka ku adkeeyay in dalka uu u socdo meel ka wanaagsan halkii uu shalay joogay, isla markaana loo baahan yahay in lala yimaado siyaasad ka duwan tii hore.
Ugu dambeyn, Madaxweyne Xasan ayaa kula taliyay kooxaha mucaaradka ah iyo kuwa diidan dowladnimada inay la yimaadaan fikir iyo siyaasad aragti leh.
Madaxweyne Xasan ayaa sidoo kale ka digay gurbaan u tumidda qabyaaladda iyo in qabiil ama koox gaar ah loo adeegsado burburinta nidaamka dowladeed. Wuxuu ku baaqay in aan cidna loo oggolaan inay hor istaagto nidaamka dowladeed, isagoo sheegay in ciddii hami siyaasadeed leh ay bulshada ka dalbato kalsooni, codka shacabkana ay ku timaaddo.

