25.8 C
Mogadishu
Saturday, June 14, 2025

Ahmadinejad: Hogaamiyaha unuggii IRAN u qaabilsanaa Israel ayaa ahaa Mossad

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Tehran (Caasimada Online) – Kadib weerarradii ballaarnaa ee Israa’iil Jimcihii ku qaaday xarumo nukliyeer iyo bartilmaameedyo ciidan oo Iran leedahay, waxaa dib loo xasuustay hadallo hore oo uu bixiyay madaxweynihii hore ee Iran, Mahmoud Ahmadinejad, kuwaasoo ku saabsaney sirdoonka Mossad oo sida uu sheegay si qoto dheer ugu dhex milmay hay’adaha amniga Iran.

Ahmadinejad ayaa bishii Oktoobar 2024, wareysi uu siiyay CNN Türk—kadib markii laga reebay tartanka doorashadii madaxtinnimada ee June 2024—ku sheegay in Iran ay dhistay unug sirdoon oo gaar ah si loogu hortago hawlgallada Mossad gudaha dalka. Si kastaba, wuxuu sheegay in ninkii madaxda u ahaa unuggaasi uu noqday sarkaal u shaqeynayay Mossad.

“Waxaan dhisnay unug ka hortaga Israa’iil, laakiin qofkii hoggaaminayay wuxuu noqday sarkaal ka tirsan Mossad,” ayuu yiri Ahmadinejad.

Wuxuu intaa ku daray in sarkaalkani uu kormeerayay 20 wakiil oo kale, kuwaasoo lagu eedeeyay in ay mas’uul ka ahaayeen xatooyadii dukumiintiyada barnaamijka nukliyeerka Iran sanadkii 2018 iyo dilal qorshaysan oo lagula kacay saynisyahanno Iranian ah.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in madaxa waaxda Iran u qaabilsan ka hortagga Mossad lagu aqoonsaday sanadkii 2021 inuu ahaa basaas u shaqeynayay Israa’iil.

“Isra’iil waxay gudaha Iran ka fulisay hawlgallo aad u murugsan. Waxay si sahal ah ku heli jireen xog muhiim ah, laakiin ilaa iyo hadda Iran kama aysan hadlin arrintan,” ayuu yiri.

Hadalladaas ayaa dib u soo baxay xilli Israa’iil ay Jimcihii billowday weerar milatari oo baaxad leh oo loogu magac daray “Hawlgalka Libaxa Soo Kacaya” (Operation Rising Lion), kaasoo si toos ah ugu wajahnaa barnaamijka nukliyeerka Iran.

Weerarradaasi ayaa sababay geerida saraakiil sare oo Iranian ah, waxaana lala beegsaday xarumo muhiim ah oo nukliyeer iyo milatari ah.

Iran ayaa ku jawaabtay in weerar boqollaal gantaal oo riddada dheer ah ay ku qaaday gudaha Israa’iil, si ay uga jawaabto weerarro ballaaran oo Israa’iil Jimcihii ku qaaday xarumo nukliyeer oo ku yaalla Tehran.

Qaraxyo ayaa laga maqlay Tel Aviv iyo Jerusalem fiidnimadii Jimcaha, iyadoo digniinaha weerarka cirka ay ka yeereen guud ahaan Israel.

Hoggaamiyaha sare ee Iran, Ali Khamenei, ayaa ku eedeeyay Israa’iil in ay “bilowday dagaal,” wuxuuna sheegay in aysan jirin wax la yiraahdo weerarro “dhuumaaleysi ah” oo aan laga jawaabin.

“Maamulka Sahayuuniga [Isra’iil] kama badbaadi doono cawaaqibka dambiyadiisa. Shacabka Iran waa in loo xaqiijiyaa in jawaabteennu aysan noqon doonin mid nus-qiyaas ah,” ayuu yiri Khamenei, war-saxaafadeed uu soo saaray.

Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran (IRGC) ayaa sheegay in Iran ay “fulisay jawaab xooggan oo sugan oo lagu beegsaday tobannaan bartilmaameed oo ah xarumo ciidan iyo saldhigyo diyaaradeed” gudaha Israa’iil, iyadoo amarka weerarka uu siiyay hoggaamiyaha sare, Khamenei.

- Advertisement -

Read more

Local News