Dad KENYAN ah oo ka mid noqday SHACABKII ay Al-Shabaab ku laayeen GEDO

Garbahaarey (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Gedo, Axmed Buulle Gareed oo wareysi siiyey laanta afka Soomaaliga ah ee VOA-da ayaa xog cusub ka soo bixiyey weerar ay Jimcihii shalay kooxda Al-Shabaab ku leysay dad shacab ahaa.

Buulle ayaa xaqiijiyey in weerarkaasi lagu dilay ugu yaraan illaa 10 qof oo ceel biyood ka qodayaye deegaanka Gariley oo hoostaha degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

Guddoomiyahaha ayaa shaaciyey in afar ka mid ah dadkaasi ay u dhasheen dalka Kenya, isla-markaana ay ahaayeen farsamayaqaano la soo kireystay oo ceel biyood ka qodayey deegaanka Gariley oo ka mid ah meelaha ay sida daran u saameysay abaarta dalka.

“Dadka illaa iyo hadda aan heyno waa 10 qof oo dhimasho ah 4 qof waa dadka dariska ah oo shacab bey ahaayeen waa dad farsamayaqaano ah oo mar walba la soo kireysto, gaarigana waxaa laga lahaa dadka xuduuda degan oo Soomaalida Kenyaanka ah, marka dadkaas waxay u gargaarayeen shacabka” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Gedo.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay aad uga naxeen dhacdadaasi, gaar ahaan xasuuqa ba’an ee loo geystay dadkaasi shacabka ah.

“Waa arrin aad iyo aad shacabka gobolka Gedo iyo maamulkaba uu aad uga naxay weeye iyo dadka bani’aadamka ah,” ayuu sii raaciyey guddoomiyuhu.

Dhinaca kale guddoomiyaha maamulka gobolka Gedo, Mudane Axmed Buulle Gareed oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay tageen goobta, xilli ay baxsadeen xubnihii kooxda Al-Shabaab ee weerarka qorsheysan ka geystay halkaasi.

“Goobta ciidamada ammaanka waxay tageen ayaga oo waxa ay rabeen inta sameeyeen meesha ay ka yaaceen oo ay carareen,” ayuu markale wareysiga ku yiri Gareed.

Al-Shabaab ayaa toddobaadyadii tegay gubay guryo, burburiyey ceelal islamarkaana gowracay dad rayid ah oo ku noolaa bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya.

Weerarada noocan ah iyo canshuurta ay kooxda ka qaadeyso shacabka xilli ay jiraan abaaro daran ayaa ku qasbay shacabka inay hubka qaataan oo ay la-dagaalamaan kooxdan. Ciidamada ammaanka ayaa sheegay in guulo laga gaaray dagaalkii socday toddobaadyadan ee ay qeybta ka yihiin Macawiisleyda.