Madaxweyne Muuse Biixi oo muddo kordhin loo sameeyey

Hargeysa (Caasimada Online) – Golaha Guurtida Somaliland ayaa maanta muddo kordhin horleh u sameeyey madaxweynaha maamulkaasi Mudane Muuse Biixi Cabdi, kadib kulan xasaasi ah oo ay maanta ku yeesheen xarunta ay ku leeyihiin magaalada Hargeysa.

Golaha ayaa laba sano oo dheeri ah ugu daray madaxweynaha iyo xukuumaddiisa, kadib codeyn gacan taag ah oo ka dhacday xarunta Guurtida Somaliland.

Sidoo kale Golaha Guurtida Somaliland ayaa iyaguna ku darsaday muddo xileedkooda 5 sano oo dheeri ah, waxaana golahan uu yahay kii u horreeyey, mana jiro isbeddel lagu sameeyey tan iyo markii la dhisay, waxaana markastaa loo kordhiyaa muddada xil heynta,

Kulankan oo aad isha loogu hayey ayaa markii hore loo diiday wariyeyaasha, balse dood dheer kadib ayaa loo ogolaaday, waxaana lagu dhowaaqay muddo kororsiga.

Tallaabada ay qaadeen Golaha Guurtida ayaa aheyd mid la filayey, waxayna ku soo aaday, xilii todobaadkii hore guddiga doorashada Somaliland uu ku dhowaaqay in uusan xiligeeda ku qaban karin doorashada, uuna u baahan yahay ugu yaraan ilaa 9 bilood oo dheeraad ah.

Lama oga sida ay noqon doonto fal-celina xisbiyada mucaaradka oo si weyn uga soo horjeeday muddo kororsigan, kuwaas oo horey dibad-baxyo uga dhigay Somaliland.

Si kastaba, doorashada guud ee Somaliland ayaa ku asteysneyd 13-ka bisha Novmeber, balse Muuse Biixi ayaa ku darsaday 2 sano, taas oo ka dhigeysa muddo xileedkiisa 7 sano.