Khartoum (Caasimada Online)-Sida aan wararkeena hore ku sheegnay Wasaaradda arrimaha dibadda iyo Iskaashiga caalamiga oo fulinaysa amarka Raโiisul wasaaraha XFS Xasan Cali Khayre ayaa ku wargeliyay sii hayaha safaaradda, dhammaan diblamaasiyiinta iyo u-qaybsanayaasha ka hawl gala safaaradda Soomaaliya inay iska soo xaadiriyan magaalada Muqdisho.
Xirooro kala duwan oo aan la sameynay Soomaalida ku sugan dalka Sudan ayaa waxa ay inoo xaqiijiyeen in ballanqaadka Raโisul wasaaraha uu ahaa in laga hor leexin doono dhammaan howlwadeenada ka howlgala Safaarada.
Waxa ay sheegen in Raโisul wasaare Kheyre oo dhawaan ku booqday Sudan ay u gudbiyeen dacwad ka dhan ah maamulka Safaarad, sidaana ay ku timid u yeeridooda.
Asbaabaha dhaliyay in loo yeero dhammaan howlwadeenada Safaarada Somalia ee Sudan ayaa waxaa kamid ah:-
1-Ku tagri fal awoodeed ka dhan ah ardayda Soomaalida.
2-iibsashada Minxooyinka Jaamacadaha oo markii hore loogu tallo galay in lasiiyo ardayda oo laga dhigay kuwo laga macaasho.
3-Howl gudasho laโaan joogta ah iyo la dhaqan laโaanta ardayda.
4-Ardayda oo la sheegay inay waayen masโuuliyiin u sameysa matalaad.
5-Howlwadeeno xad dhaaf iyo howlyari u saaxiib noqotay macaash dhaqaale.
Guddoomiyaha Ardayda Soomaalida ee dalka Sudan Cabdulkhaadir Faarax ayaa dhawaan Raโisul wasaare Kheyre hordhigay in laga bedelo howlwadeenada Safaarada, waxa uuna cadeeyay in dhamaantooda ay yihiin kuwo aan daacad u aheyn howshooda Qaran.
Waxa uu sheegay in Safaarada gabi ahaanteeda laga dhigay suuq lagu kala iibsado Minxooyinka, waxa uuna taasi ku micneeyay niyad jab usoo hoyatay Ardayda.
Si kastaba ha ahaatee, u yeeridda biblamaasiyiinta iyo hawl-wadeennada safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay Khartuum ayaa ka dambeeyay cabsasho ardayda Soomaaliyeed ee Suudaan ay ka gudbiyeen masโuuliyiinta safaaradda intii lagu guda jiray safarkii dhawaan uu Raโiisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hogaaminayo ay ku tageen Khartuum.
Caasimada Online
Xafiiska Khartoum