Hargeysa (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland kusoo idlaaday wadahadal gaara oo u dhexeeyay maamulka Somaliland iyo Khaatumo.
Wadahadalka labada maamulka ayaa waxaa lagu kala saxiixday ilaa 5 qodob, kadib markii ay isku fahmeen in si wada jira looga wada shaqeeyo amuuraha labada dhan.
Heshiiskaan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Hogaamiyaha maamulka Khaatuma iyo sidoo kale Wasiirka Arrimaha dibadda maamulka Somaliland.
Qodobada lagu heshiiyay ayaa waxaa Saxaafadda u aqriyay Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Sacad Cali Shire waxa ayna kala ahaayen:
1-In Somaliland iyo Khaatumo ay ku dedaalaan sidii afgarad buuxa looga wada gaadhi lahaa
2-In la wada qorsheeyo lagana wada shaqeeyo sidii loo heli lahaa somaliland loo wada siman yahay oo ku dhisan cadaalad, maamul wanaag iyo xaq dhawrista xuquuqal iinsaanka, ku dhisan diinta islaamka oo muwaadiniinteedu midna ku ahayn marti balse ay u wada siman yihiin.
3-In dastuurka somaliland la furo si loo xaqiijiyo awood qaybsi sugan oo cadaalada ku dhisan oo laga sameeyo madaxda golayaasha fulinta, sharci dejinta, garsoorka iyo hay’adaha dawliga ah.
4-In la sameeyo maamul daadejin heer gobol, degmo iyo magaalo lana qeexo mid walba awoodeeda.
5-In shir dambe layskugu yimaado 10-ka July laguna qabto magaalada Burco si lo odhameeyo wixii qabyada ah lagana tashado qaabkii iyo hanaankii loo qaban lahaa shir loo wada dhan yahay.