Akhriso: Beelaha ay kasoo kala jeedaan wasiiradii uu magacaabay madaxweyne Xaaf

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa shalay magacaabay wasiiro ka kooban ilaa 22 wasiir oo isugu jiray kuwa cusub iyo kuwa horey xilal uga hayey wasiiradii madaxweynihii hore ee Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Haddaba Caasimadda Online ayaa waqti ku bixisay sidii ay u heli laheyd beelaha ay kasoo kala jeedaan Wasiiradii uu Magacaabay Xaaf.

halkaan hoose ka akhriso wasiirada, Beelaha ay kasoo kala jeedadan sida ay Qabiilada u qeybsadeen xilalka

  1. Maxamed Cabdi Maxamed , Wasiirka Wasaaradad Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka, Dir.
  2. Maxamed Xayir Nuur, Wasiirka Wasaaradad Arrimaha Gudaha iyo dowladaha Hoose, Mareexaan.
  3. Saciid Siyaad Shirwac, Wasiirka wasaaradda Maaliyadda iyo horumarinta Dhaqaalaha, Saleebaan.
  4. Cismaan Ciise Nuur, Wasiirka Wasaaradad Amniga Gudaha, Habargidir, Ceyr
  5. Mursal Cabdiraxmaan Axmed, Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta, Dir, Fiqi Maxamuud
  6. Xasan Maxamed Warsame, Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda, Mareexaan
  7. Daahir Xasan Xuseen, Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud iyo dib u dhiska, Murusade
  8. Cabdulqaadir Cabdullaahi Warsame, Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha, Mareexaan
  9. Maxamuud Aadan Cusmaan, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo dhaqanka, Abgaal, Waceysle.
  10. Cabdullaahi Cali Maxamed, Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo Dhulka,  Habargidir, Saruur
  11. Ibraahim Xasan Guureeye, Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Mareexaan.
  12. Axmed Dubad Cali, Wasiirka Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta, Murusade Sabti
  13. Axmed Dhiblaawe Casir, Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo xanaanada Xoolaha, Abgaal, Waceysle.
  14. Maxamed Xuseen Maxamed, Wasiirka Wasaaradda Bey’adda, Dhirta iyo Daaqa, Dir, Qubeys
  15. Naciimo Maxamed Maxamuud, Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka, Shiiqaale/ Caagane
  16. Hodan Cabdullaahi Shire, Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo horumarinta Xuquuqda Aadanaha, Sacad.
  17. Axmed Mire Cali, Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha, Ceyr
  18. Cali Yuusuf Xuseen, Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga, Habargidir Saruur .
  19. Cawil Xirsi Xasan , Wasiirka Wasaaradda Biyaha iyo Korontada, Duduble/ Awdareen.
  20. Maxamed Aadan Qalabxoor, Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gadiidka Badda, Habargidir, Sacad
  21. Sahro Colaad Cabdi, Wasiirka Wasaaradda Qurba-joogta iyo dhiiragelinta Maalgashiga.
  22. Shire Xirsi Maxamed, Wasiirka Wasaaradda Gargaarka Bini’aadanimada iyo daryeelka Naafada, Habargidir, Saruur.