25.6 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

Akhriso: BMH oo ansixiyay guddiyo ka kooban 12 & Xildhibaanada oo diiday in baarlamaanka la xiro

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Jowhar (Caasimada Online)-Waxaa labadii maalin ee ugu danbeysay kulan uga socday magaalada Jowhar Xildhibaanada baarlamaanka Hirshabeelle kaa oo go’aan looga gaaraayay in baarlamaanka uu sii wato howshiisa iyo in kale.

Xildhibaanada baarlamaanka ayaa dood dheer ka yeeshay sii wadashada howlahooda waxa ayna isku raaceen in baarlamaanka uu sii shaqeeyo muddo bil ah.

Xildhibaanada qaar oo ka hadlay kalfadhiga ayaa soo jeediyay inay muhiim tahay in baarlamaanka uusii guto howlaha horyal, waxa ayna Guddoonka xasuusiyeen in baarlamaanka uu horyaal howlo badan oo qabasho u baahan.

Dood dheer kadib guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabeelle Shiikh Cismaan Barre Maxamed ayaa shaaciyay in baarlamaanka uu sii shaqeyn doono.

70 xildhibaan ayaa isku raacay in baarlamaanka uu sii shaqeeyo, halka 9 xildhibaan ay u codeeyeen in baarlamaanka la xiro.

Sidoo kale, dooda dheer kadib Xildhibaanada baarlamaanka Hirshabeele ayaa isla kalfadhiga ku ansixiyay guddiyada baarlamaanka Hirshabeelle kuwaasoo ka kooban 12 guddi oo kala ah:

Liiska gudiyada , gudoomiyayaasha iyo Xoghaynta                                                 

NoMagaca gudigaMagaca gudoomiyaGud.ku xigeenka
1.Gudiga Xeerhoosaadka , Anshaxa ,Xasaanadda iyo    Daryeelka XildhibaanadaXildh Abdiladif Mohamud Haji AbdiXildh  Bashir Haji Bedel Mahamed
2.Gudiga Dastuurka, dib uhishiisiinta ,xalinta khilaafaadka iyo hanti isu  celintaXildh Mahamed Ibrahim Mahamed  (Daqare )Xildh Hassan Mahamed Ahmed
3.Guddiga Arimaha gudaha ,Maamulada Gobollada iyo Degmooyinka Amniga iyo Sohdimaha Xildh Geelle isack warsameXildh Abdiwahid Ahmed Omar
4.Guddiga Caafimaadka Iyo Waxbarashada Xildh Mahamud Wabar HassanXildh Adan Odawa Omar
5.Gudiga shaqada ,shaqaalaha dhalinyarada iyo iSboortiga Xildh Omar Mahamed OmarXildh Artan Muhumed Nur
6.Guddiga hub ka dhigista iyo dhaqan celinta   Maleeshiyaadka Xildh Abdullahi Mohamed Haji FiqiXildh Hassan Mahamed Ibrahim
7.Guddiga beeraha ,Xanaanada Xoolaha iyo Horumarinta reer miyiga Xildh Aden Mohamed Muse( Bare)Xildh Ismail Abdi Qasim
8.Guddiga  maaliyadda qorsheynta iyo tirikoobka Xildh Mukhtaar Xasan maxamedXildh Olad Gure Hayow
9.Guddiga arrimaha garsoorka caddaalada arimaha diinta iyo awqaafta Xildh Mohamed Abdikarin MohamedXildh Ahmed Omar Gabow
10.Guddiga ganacsiga Warshadaha, kheyraadka iyo ilaalinta bay’ada Xildh Mohamud Siyad BarqadleXildh Yusuf Axmed Yalahow
11.Guddiga isgaarsiinta wadooyinka ,Gadiidka Dekedaha ,Tamarta iyo warbaahinta. Xildh Eng  Ismail Mumin HilowleXildh Farah Maham

Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News