CADEYMO: Garyaqaanka Guud ee DFS oo faraqa heysta RW Kheyre & Qoraal uu soo saaray oo..

Muqdisho (Caasimada Online)-Qoraal uu soo saaray Garyaqaanka Guud ee Dowladda Dr Cusmaan Cilmi Guuleed ayaa waxaa looga hadlay Xad gudub la sheegay in Ra’isul wasaraha Qaranka Xasan Kheyre ku hayo miisaaniyada DF.

Garyaqaanka Guud ee Dowladda Dr Cusmaan Cilmi Guuleed, ayaa sheegay in Ra’isul wasaaraha Qaranka uu faraha kul jiro howl aan isaga khuseyn isla markaana uu hadda yahay mid wax ka maamulo Miisaaniyadda dowladda.

Garyaqaanka Guud, ayaa sheegay in arrin khaldan ay tahay in Ra’isul wasaaraha uu si toosa usoo faragaliyo howlaha miisaaniyda waxa uuna talaabadaasi ku sheegay mid aan sharci aheyn.

Warqad uu u diray Xafiiska Ra’isul wasaaraha ayuu ku qeexay habka loo maamulo miisaaniyadda ama bixinteeda taa oo uu ku tilmaamay inay mareyso saddex xafiis oo kala wasaaradda Maaliyadda, Waaxda Miisaaniyadda, Xisaabiyaha Guud iyo Hanti dhowrka Guud.

Waxa uu sheegay in wixii intaas dhaafsiisan ay tahay sharci darro inay maamulaan, waxa uuna ka dalbaday in howlaha miisaaniyada looga danbeeyo qeybaha ay khuseyso.

Garyaqaanka Guud ee Dowladda Dr Cusmaan Cilmi Guuleed, ayaa Ra’isul wasaaraha dalka ugu baaqay inuu u madax banaaneeyo shaqada ay u xil saaran yihiin hey’adaha kala duwan ee dowladda, kuna ekaado inuu kula xisaabtamo gudasha waajibaadkooda, si waafaqsan sharciga.

Sidoo kale, Garyaqaanka Guud ee Dowladda Dr Cusmaan Cilmi Guuleed ayaa tilmaamay in Musuqa uu ka bilowdo kuna dhammaado faragalin lagu sameeyo nidaamyada jira oo ay dowladu ku shaqeyso.

Waxa uu sheegay in faragalinta ay tahay nooc kamid ah noocyada Musuq-maasuq aan sharciga waafaqsaneyn.

Geesta kale, Garyqaanka Guud ayaa ugu baaqay Guddoonka Baarlamaanka in la hubiyo laguna kor-joogteeyo ku dhaqanka sharciga hey’adaha dowladda, si loo ilaaliyo sharciga iyo danta guud ee dowladda.