25 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Cumar Dhagey oo ku dhawaaqay go’aan musharaxiinta ay ka naxeen

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho gudigga federaalka ee doorashooyinka dadban, Cumar Maxamed Cabdulle, ayaa ku dhaawaqay in dib loo dhigay doorashada madaxweynaha oo lagu balansanaa bishan November soddonkeeda.

Gudigga oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa faahfaahiyay sababta dib u dhacaasi keentay iyo halka ay marayso doorashada xubnaha aqalka hoose ee baarlamanka Soomaaliya.

Dib u dhaca ayaa waxaa sabab u ah inaan la soo dhamaystirin doorashada xubnaha labada aqal ee dooran lahayd madaxweynaha.

Waqtiga ay dhacayso doorashada ayaa go’aan waxaa ka gaari doona xildhibaanada cusub iyo xubnaha gudigga doorashada.

HOOS KA AKHRISO JADWALKII UGU DANBEEYAY EE DOORASHADA

135 hogaamiye beeleed ayaa soo xuli doona 14,025 ergay oo isu qaybinaya 275 urur-doorasho oo midkiiba ka kooban yahay 51 xubnood.

Ugu yaraan 16 xubnood oo ka tirsan urur-doorasho kastaa waa in ay noqdaan haween iyo 10 dhalinyara.

Ergada urur-doorasho kastaa waxay metelayaan jilib hoose.

23 Oktoobar – 10 Noofembar: Urur-doorasho kasta oo ka mid ah 275 urur-doorasho wuxu u codayn doonaa xubin ka mid noqonaysa aqalka hoose ee baarlamanka. Kuraasta waxa lagu qaybiyay habka awood qaybsiga ee “4.5” afar iyo barka taas oo ah in afarta beelood ee waawayn ay helayaan saami is leeg halka ay beesha shanaad ee laga tiarada badan yahay helayso tirada ay kuwa waawayni qaateen badrkeed.

Marka la gaaro 5 Okoobar: Dowlad goboleedyada cusub ee federaalka Soomaaliya waxay soo xuli doonaan 54 ka xubnood ee aqalka sare.

23 Oktoobar: Gudoomiyeyaasha labada aqal ee baarlamaanka ayaa la dooranayaa.

30 Noofembar: Xubanaha labada aqal ayaa dooranaya gudoomiye iyo madaxweyne.

Xigasho: Qaramada Midoobay

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News