Akhriso: Galmudug oo cadeysay mowqifkeeda cusub ee ku aadan xiisada dowlada Khaliijka

Cadaado (Caasimada Online)-Maamulka Galmudug ayaa noqday maamulkii 4aad ee ka mid ah maamul goboleedyada Somalia ee taageera Isbaheysiga Sacuudiga iyo Imaaraadka carabta ee xiriirka u jaray dalka Qatar.

War saxaafadeed kasoo baxay maamulka ayaa waxaa lagu taageeray xulafada ay hogaamiyaan dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraadka oo iyagu dhawaan xiriirka diplumaasiyadeed u jaray Qadar.

Maamulka ayaa dowlada Somalia ugu baaqay inay dib uga fiirsato mowqifkeedii dhex dhexaadka ee ay ka qaadatay xiisada Khaliijka, islamarkaana ay tixgeliso walaaca ay qabaan dowlad goboleedkada.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxay go’aan ka gaartay xiisada Khaliijka 6-dii bishii June ee sanadkan, iyadoo aan la tashanin Dowlad Goboleedyada Soomaaliya.