Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa maanta ay dhammaan Maamul Goboleedyada ka jiro Soomaaliya soo saareen war murtiyeed ay ku cambaareeyeen faragelin ay sheegeen inay dowladda ku heyso Maamulka Galmudug.
Wararka qaar ayaa sheegaya in Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan uu lahaa abaabulka ah in la soo saaro war murtiyeed wadajir ah oo ka soo baxa Madaxda Maamul goboleedyada.
War murtiyeed ayaa lagu cambaareeyay fara gelinta lagu haayo dowlad goboleedka Galmudug iyo sida ay u maareyneyso dowladda Federaalka.
Sidoo kale waxaa qoraalka lagu sheegay in ismaandhaafka ka dhashay Khilaafka Khaliijka uu jiro olole, abaabulo iyo faragelin toos ah oo ku wajahan Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Xaaf, isla markaana ujeedkeedu yahay in Madaxweynaha lagu majaxaabiyo, arrintan oo qeyb ka tahay dowladda Dhexe.
Si aan u xaqiijinno sax ahaansha qoraalkan ayaa waxaan la xiriirnay maamullada ku saxiixan qoraalkan. Waxaana xaqiijiyay afar ka mid ah maamulladaasi oo kala ah Jubbaland, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Puntland.
Maamulka Hirshabeelle oo ku saxiixnaa war saxaafadeedka hore ayaa soo saaray war saxaafadeed uu ku beeninayo inuu qeyb ka ahaa warsaxaafadeedka dowladda lagu eedeeynayay.
War saxaafadeed ka soo baxay Madaxweyne Waare oo nuqul ka mid ah uu soo gaaray Caasimadda Online ayaa lagu sheegay in war murtiyeedkaas aanu qeyb ka aheyn, talana ku biirin arrinta ku saabsanaa arrinta dowlad goboleedka Galmudug.
Haddaba halkaan hoose ka akhriso go’aanka kasoo baxay Hirshabelle