Akhriso: Hogaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed oo magacaabay xil cusub oo muhiim ah

Baydhabo (Caasimada Online)-Wareegto kasoo baxday Xafiiska Hogaamiyaha Maamulka Koonfur Galbeed ee Somalia Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa waxaa lagu magacaabay xil cusub.

Wareegtada ayaa waxaa lagu magacaabay Wasiiru Dowlaha Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Maamulka Koonfur Galbeed Somalia.

Wareegtada ayaa waxaa lagu sheegay in magacaabida ay ku timid la tashi uu la sameeyay xubnaha barlamaanka Koonfur Galbeed, waxaana intaa kadib loo magacaabay Cusmaan Buube Yuusuf Rooble.