Xeer ilaaliyaha oo shaaciyay cadaalad daro iyo dhibaatooyin ka dhex jirta Saldhigyada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online)-Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir, ayaa si kulul uga hadlay wararka sheegaya in Taliyayaasha Saldhigyada Booliska Gobolka Banaadir ay ku kacaan falal ka baxsan sharciyada.

Xeer ilaaliyaha waxa uu sheegay inaanu suuragal aheyn in qaabab khaldan loo maamulo kiisaska dadka shacabka ah, waxa uuna wacad ku maray inay talaabo ka qaadi doonaan Taliyihii ay ku helaan maareynta kiis khaldan.

‘’Waxaa nagu soo badanaaya eedeymaha loo jeediyo Taliyayaasha Saldhigyada Booliska, waxaan halkaan ka cadeyneynaa inaan sharciga la tiigsan doono Taliyihii kawecdaa cadaalada’’

Xeer ilaaliyaha wuxuu sheegay in ay bilaaban doonto isla xisaabtan adag oo lagu sameeyo Taliyeyaasha Ciidamada Booliska Somalia, kuwaasi oo uu tilmaamay in mararka qaar ay ku kacaan dambiyo waa weyn.

Xeer Ilaaliyaha ayaa sheegay in mararka qaar ay dhacdo in dad shacab ah si qaldan loogu xiro saldhigyada, xilliyada qaarna ay u gudbiyaan Hay’adaha Garsoorka warbixino qaldan.

Xeer ilaaliyaha ayaa sheegay in taliyayaasha saldhigyada iyo baarayaashaba lagula xisaabtami doono shaqada ay u hayaan bulshada, waxa uuna hadalkaas ka sheegay munaasabad uu ka bixinaayay shahaaddo sharaf.

Dhinaca kale, Xeer ilaaliyaha ayaa Taliyayaasha iyo Saraakiisha uga digay inay ku xad gudbaan sharciyada, waxa uuna ku goodiyay inuu ka dhabeyn doono sharciga leys hortaagi doono.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com