Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa ka dhaca dilal loo geysto mas’uuliyiinta, Saraakiisha, Ciidamada, Nabadoonada iyo Shaqaalaha dowlada.
Dilalka ugu badan ayaa waxaa loo geystaa Ciidamada, Nabadoonada iyo Shaqaalaha dowlada ee laf dhabarka u ah shacabka.
Bisha April, ee laga soo gudbay ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay 32 dil oo inta badan loo geystay Nabadoono iyo Shaqaale dowladeed.
Bisha May, ee aan kasoo gudubnay ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay dilalka 13 ruux, waxaana xusid in Bisha May ay dhaceen dilalka ugu yar marka la’eeg dilalkii dhaca Bisha April.
DILALKA KA DHACAY MUQDISHO BISHA MAY, 2017
1-May 2, 2017, Kooxo hubeysnaa ayaa Xaafadda Xaawo Taako ee degmada Wadajir ku dilay Askari ka tirsan Ciidamada dowladda.
2-May 3, 2017, Waxaa iridka hore ee Villa Somalia lagu dilay Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib udhiska Cabaas C/laahi Shiikh Siraaji oo ay dileen ciidamo ka tirsan DFS.
3-May 10, 2017, Waxaa magaalada Muqdisho lagu dilay Nabadoon Cabdiqaadir Fareey oo ka mid ahaa waxgaradka Soomaaliyeed, waxa uuna dilka ka dhacay Buundada Labaad ee qeybta degmada Waabari.
4-May 11, 2017, Kooxo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa Xaafadda Albaraka ee Degmada Hodan ku dilay Nabadoon Sayid Cali Cismaan Abtidoon oo kamid ahaa Ergada Cadaado kusoo doortay Xildhibaanada BFS.
5-May 17, 2017, Kooxo hubeysnaa ayaa degmada Wadajir ee Gobolkaan Banaadir ku dilay ruux shacab ah.
6-May 20, 2017, Askari ka tirsan Ciidamada Minashiibiyada ayaa Askari kale ku dilay degmada dharkeenleey ee Gobolakan Banaadir.
7-May 25, 2017, Kooxo hubeysnaa ayaa magaalada Muqdisho, gaar ahaan Demada Hodan ku dilay Haweeney magaceeda lagu sheegay Xaliimo Cilmi Yuusuf oo kamid aheyd ergooyinkii Xildhibaanada ku doortay degmada Cadaado ee xarunta KMG ee Galmudug.
8-May 25, 2017, Kooxo hubeysnaa ayaa degmada H/wadaag ku dilay nin lagu magacaabo Suleymaan Cusmaan Yuusuf.
9-May 28, 2017, Askari ku labisnaa tuutaha milatariga DFS ayaa Isgoyska Bakaaraha ku dilay Wiil Mooto Bajaaj ka ahaa Darawal kaas oo la sheegay in ay is maandhaafeyn.
10-May 30, 2017, Kooxo hubeysnaa ayaa deegaanka Ceelasha Biyaha ku dileen Askari ka tirsan Ciidamada dowladda xili uu ku sugnaa Isgoyska Ceelsha Biyaha.
11-May 30, 2017, Kooxo hubeysnaa ayaa Beerta Qaadka ee dhinaca degmada Wadajir ku dilay mid kamid ah Ergadii soo xushay Xildhibaanada oo lagu magacaabo Madaxeey.
12-May 31, 2017, Kooxo hubeysnaa ayaa Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ku dilay laba Xidigle ka tirsanaa qeybta Caafimaadka ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo lagu magacaabo C/laahi Cilmi Nuur.
13-May 31, 2017, Kooxo hubeysnaa ayaa Degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir ku dileen Nabadoon Maxamed Sheekh Abuukar.
Dilalka ugu badan ee Bisha May ayaa ka dhacay Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]