Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia kusii xoogeysanaaya lacagaha dollarka been abuurka ah, taa oo saameysay goobaha Ganacsi.
Lacagahaani dollarka been abuurka ah ayaa waxaa ka cabanaaya Shirkadaha Xawilaada iyo dhammaan goobaha Sarifka ee magaalada Muqdisho.
Lacagahaani feega ah ayaa saameyn ku yeeshay ganacsiga dalka, waxaana adkaaneysa in Shirkadaha sarifa lacagaha ay qaatan dollarka, kadib markii ay shaki galiyeen caafimaad qabka lacagahaasi.
Maxamed Xaaji Nuur oo kamid ah dadka sarifa lacagaha ayaa sheegay in gudaha asbuucani uu qabtay lacag dhan ilaa 600$ oo dollar, taa oo uu sheegay inay tahay mid been abuur ah oo loo muuqaal ekeysiiyay dollarka saxda ah.
Waxa uu ganacsadahaani sheegay inay sii kordhayaan lacagaha been abuurka ah, isla markaana ay ku jahwareersan yihiin lacagta feega ah iyo tan caafimaad qabta.
”Waxaan oran karaa dowlada ayaa ka gaabisay la socodka lacagaha dollarka, suuragal maaha in si joogta ah loogu qaldamo lacagaha been abuurka ah waxaan dalbaneynaa in wax laga qabto lacagaha been abuurka ah”
Maxamed Xaaji Nuur, waxa uu shaki galiyay in lacagahaasi ay si adag kusoo galeen dalka, waxa uuna taa bedelkeeda sheegay in si fudud lagu soo galiyay iyadoo la kaashanaayo shaqsiyaad ka tirsan dowlada.
Docda kale, waxa uu ku baaqay in lala socdo lacagaha ay wataan dadka shacabka iyo kuwa aan shacabka aheyn, waxa uuna taa ku micneeyay inay sii kordhin karto faafida lacagaha beenta ah.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

