28.9 C
Mogadishu
Monday, November 17, 2025

Akhriso: Liiska golaha wasiirada Hirshabelle oo lagu dhawaaqay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle, Cali C/laahi Cosoble, ayaa gelinkii dambe ee maanta soo saaray liiska magacyada xubnaha ka midka noqonaya Golihiisa Wasiirada.

Madaxweynaha Hirshabelle oo Axadii dib ugu laabtay Magaalada Jowhar, ayaa wuxuu magacaabay 23 Wasiir, 23 Wasiiro Ku Xigeeno iyo 6 Wasiiru Dowlayaal ah.

Agaasimaha Madaxtooyada Hirshabelle, C/qaadir Cabdulle Xooshow, ayaa Saxaafadda u akhriyay magacyada liis ay ku qoran yihiin Golaha Wasiirada, ee Madaxweynaha Hirshabelle uu magacabay.

Cali C/laahi Cosoble, ayaa 17-kii bishii October loo doortay in uu noqdo Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle, iyadoo tan iyo wixii xilligaa ka dambeeyayna laga suggaayay in uu soo magacaabo Golihiisa Wasiirada.

Madaxweyne Cosoble, ayaa horey u codsaday in muddo loogu darro xilliga uu Dastuurka Hirshabelle dhigaayo in uu ku soo magacaabi karo Golihiisa Wasiirada.

- Advertisement -

Read more

Local News