Halkey ka dhaceysa xaflada caleemo saarka madaxweyne Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa aad loo qurxiyay hoolka ay ka dhaceyso xaflada caleemo saarka madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Maxamed, waxaana kasoo qeyb galaya madax fara badan.

Goobta ayaa ah halkii lagu doortay Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, waxaana  markaan loo qurxiyay si wanaagsan, maadaama madax kala duwan ay kasoo qeyb galayaan munaasabada.

Munaasabada oo dhaceyso maalinta Arbacada oo maalin kaliya ay ka harsan tahay ayaa diyaar garowgeeda laga dareemayaa magaalada Muqdisho, waxaana aad loo adkeeyay amaanka magaalada.

Tan iyo markii Farmaajo uu la wareegay xarunta madaxtooyada Soomaaliya, waxaa dhacay dilal qorsheysan oo loo geystay odayaal wax kasoo xulay baarlamaankii 10 ee sanadkaan.

Iyadoo shalay qarax dad badan ay ku dhinteen uu ka dhacay degmada Wadajie ee gobolka Banaadir.

Madax kamid ah kuwa dalalka Africa iyo wakiilo matalaya wadamada reer Galbeedka ayaa qorshaha uu yahay inay ka qeyb galaan munaasabada caleemo saarka madaxweynaha Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com