Prof. Samatar: Farmaajo ha qirto musuq musuqa doorashadii uu kusoo baxay

Muqdisho (Caasimada Online) – Prof Cabdi Ismaaciil Samatar waxa uu kamid ahaa guddi loo xil saaray ka hortaga musuq lagu sameeyo doorashadii 8 February ka dhacday magaalada Muqdisho oo uu kusoo baxay Farmaajo.

Aqoonyahanka wuxuu sheegay inaysan cadeyneynin inuu jira musuq maasuq dhaqaale, laakiin wuxuu sheegay in guddigooda ay ka horeeyaan bixinta dhaqaalaha musharixiinta ay siinayeen xildhibaanada baarlamaanka.

Madaxweynaha la doortay Maxmaed Cabdulaahi Farmaajo ayuu ugu baaqay inuu dadweynaha hortooda ka cadeeyay heerka uu gaarsiisan yahay musaqa uu kusoo baxay doorashadii ka dhacday Muqdisho.

Wuxuu geesinimo ku tilmaamay haddii Farmaajo uu u cadeeyay dadweynaha Soomaaliya dhaqaalaha doorashada kaga baxay, taasi oo uu sheegay inay kalsooni cusub abuuri doonto.

Waxaa meesha ka muuqanaya inuu jiray dhaqaalo la siinayay xildhibaanada baarlamaanka ka hor habeenkii doorashada dhaceysay, waxaana dhaqaalaha ugu badan uu ka baxay Xasan Sheikh iyo Farmaajo.

Soomaaliya marka la gaaro xiliga doorashada waxaa aad looga baqaa in laaluush ay qaataan xildhibaanada wax dooranaya maadaama ay iyaga Shacabka matalaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com