Somaliland oo 7 caqabad ka dhexli doonta howlgalinta Saldhiga Imaaraadka ee Berbera

Hargeysa (Caasimada Online) – Maamulka Somaliland ayaa dhawaan shaaca ka qaaday in Dowlada Imaaraadka ay siiyeen dhul baaxad weyn oo la doonaayo in laga dhiso Saldhig Militeri oo ay yeelan doonto Dowlada Imaaraadka.

Saldhigaani oo dhawaan ay Dowlada Imaaraadka ka furan doonto magaalada Berbera ee maamulka Somaliland ayaa waxaa laga qaadi doonaa duulaanka cirka oo Imaaraadka ay ku heyso Xuutiyiinta Yemen.

Dhismaha Saldhiga Militeri ayaa caqabad ku noqon doonta Shacabka Somaliland oo iyagu aanu u kala gooshi doonin Magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera maadaama dhulka lasiiyay Imaaraadka uu aad u weyn yahay isla markaana Militeriga Imaaraadka uu xakameyn doono dadka u kala gooshaya Hargeysa iyo Berbera.

Furitaanka Saldhigaani ayaa waxaa kamid ah Caqabadaha ay Somaliland kala kulmi doonto:

1-Duulaan Somaliland uga imaada dhanka Xuutiyiinta Yemen oo isticmaala Hubka sida ba’an meelo fogfog wax kaga gumaada.

2-In Somaliland ay saaxiib u noqoto Qaraxyo ka dhaca Masaajida iyo dhammaan Goobaha ay ku kulmaan shacabka iyadoo ficiladaasi fulintooda ay Xuutiyiintu ku bixin doonaan dhaqaale xoogan.

3-Somaliland oo gali doonto jawi go’doomin ah iyadoo hareeraha ay ka degi doonaan unugyo mucaarad ah oo dhaqaale ka heli doona Xuutiyiinta.

4-Caqabad kaga imaan doonta Dowlada Ethiopia oo dhawaan shaacisay inuu khalad yahay bixinta dhulka uu Imaaraadka ka dhisanaayo Saldhiga, waxaana suuragal ah in Ethiopia ay hubeyso mucaaradka Somaliland si ay u fashiliyaan dadaalka ay Imaaraadka ugu jirto dhisida Saldhigaasi.

5-Dowlada Iran oo Hub sharci darro ah galin doonta Somaliland isla markaana Gudaha Somaliland ka dhex abuuri doonta Canaasir qalqal galis amniga iminka ka jira Somaliland si Militeriga Imaaraadka uu u hanawaayo xasiloonida iyo qorshaha duulaanka Xuutiyiinta Yemen.

6-Qalqal dhinaca Siyaasada, Amaanka iyo Ganacsiga Somaliland maadaama Dowlada Iraan ay dhawaan shaacisay in Somaliland ay talaabo ka qaadi doonto haddii ay bixiso dhulka baaxada weyn ee lag dhisi doono Saldhiga.

7-Kacdoon shacab, Amni darro, Dilal iyo Burbur maamul oo ka dhalankara howlgalinta Saldhigaasi.
Heshiiska qoorqabadka Somaliland ay la gashay Dowlada Imaaraadka ayaa sidoo kale laga cabsi qabaa inuu saameyn ba’an uu ku sheeysho guud ahaan Somalia maadaama ay meesha ka baxeyso awooda Dowlada Somalia.

Si kastaba ha ahaatee, maamulka uu gabalkiisu dhacay ee uu Hogaaminaayo Axmed Siilaanyo ayaa caqabado aan laga lug bixi doonin u abuuraya shacabka Somaliland iyo maamulka cusub ee la filaayo inuu la wareego talada Somaliland.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com