Khilaaf ka dhex curtay Cosoble iyo ku-xigeenkiisa (Sababta)

Jowhar (Caasimada Online) – Warar iminka nasoo gaaray ayaa sheegaya in Khilaaf ba’an uu ka dhex curtay Hogaamiyaha maamulka Hirshabelle Cali C/llaahi Cosoble iyo ku-xigeenkiisa, Cali C/llaahi Xuseen Guudlaawe.

Khilaafka labada mas’uul ayaa soo ifbaxay saacadihii ugu danbeeyay kadib markii Guudlaawe uu soo jeediyay in Wasiirada ugu badan lasiiyo Beesha uu kasoo jeedo oo degta Goballadda Sh/dhexe.

Guudlaawe, ayaa ku doodaaya inay muhiim tahay in dadka Dega Goballadda Sh/dhexe lasiiyo xilalka ugu badan, gaar ahaan Beeshiisa ay Golaha Wasiirada ku dhexyeeshan Kuraas fiican.

Cali Guudlaawe, ayaa is hortaagay Digreeto uu Hogaamiyaha maamulka ku magacaabi lahaa Golaha Wasiirada, waxana la sheegay in Cosoble uu si siman u qeybiyay Golaha, hayeeshee waxaa qeybintaasi wax kama jiraan ka dhigay Cali Guudlaawe.

Guudlaawe oo u muuqda mid kasoo horjeeda sinaanta awood qeybsiga ayaa Hogaamiyaha maamulka hordhigay warqad uu ku dalbanaayo dhowr kuraas oo ay qaadan doonto Beeshiisa.

Khilaafka Madaxda HirShabelle ayaa horseedi karta inuu Maamulkaasi noqdo mid kala qeybsan, iyadoo la og yahay Hannaankii lagu soo dhisay Maamulkaasi.

Beelaha dega Goballadda Sh/dhexe iyo Hiiraan, ayaa iyagu ku qancay hanaanka uu Hogaamiyaha u qeybiyay xilalka, hayeeshee waxa ay si cad u qaadaceen sida uu wax u wado Guudlaawe.

Geesta kale, Xildhibaanada qaar ayaa rajo xumi ka muujinaaya qorshaha uu wato Cali Guudlaawe, waxa ayna walaac ka muujinaayan in Khilaafka labada Mas’uul uu isku bedelo mid heer Qabiil ah.

Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
Caasimada@live.com