Xog: Halkee ayuu ku danbeeyay xafiiskii CC kadib guuldaridii ku dhacday?

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya dhanka Xafiiska Ra’isul wasaaraha KMG xukuumada Somalia ayaa sheegaya in xafiiskaasi uu xirmay.

Wararku waxa ay sheegayaan in Ra’isul wasaaraha uusan gaarin xafiiskiisa tan iyo markii looga itaal roonaaday Doorashada, iyadoo taa ay saameyn iyo niyad jab ku abuurtay howlwadeenada Xafiiskiisa.

Howlwadeenada qaar ee ka howlgalaayay Xafiiska CC ayaa la sheegay inay u wareegen xafiisyo kale, maadaama uu isbedel ku imaanayo maamulka Xafiiskaasi.

Safiisyada Dowlada ayaa waxaa inta badan looga howlgalaa hanaan qabiil oo lagu kala qaato shaqaalaha waxa ayna tani saameyn ba’an ku yeelataa shaqaalaha lagu diiwaangaliyay qabiilka iyo hoos iska taabatka oo ugu danbeyntii raaca mas’uulka Xafiiskaasi ku magacawnaa ee xilka laga qaado.

Madaxweynaha JFS Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa shaaca ka qaaday inuu ciribtiri doono nidaamka jideynaaya in shaqaalaha DFS lagu qoro misna lagu qaato hab qabiil.

Dhinaca kale, Madaxweynuhu waxa uu sheegay inuu la imaan doono Ra’isul wasaare uu kusoo xulan doono waxqabadkiisa, kaa oo lagula xisaabtami doono howlaha Qaranka iyo mideynta shaqaalaha Qaranka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com