Sawirro: La kulan Sheekh Bashiir Maxmed oo aan hadlin tan iyo 1990-kii

Khartoum (Caasimada Online) – In ka badan 25 sano ka hor, Sheekha reer Sudan ee Bashiir Maxamed Bashiir ayaa go’aansaday inuusan mar dambe hadlin, waxaana kadib loogu yeeri jiray “Sheekha Aamusan”.

Sheekh Bashiir ayaa dadka kula xiriira inuu warqad ku qoro waxa uu doonayo. Waxa uu ka qeyb galaa shirarka, waxaana uu kasoo muuqda wareysiyada taleefishinada, isaga oo qalin iyo warqad u adeegsada inuu su’aalaha ka jawaabo.

Sheekh Bashiir oo ka qalin jebiyey jaamacadda aadka loo qiimeeyo ee Sorbonne University ayaa dhashay sanaddii 1956-kii, waana aqoonyahan leh taageerayaal aad ugu xiran oo ku jecel xikmadda, aqoonta iyo caqliga alle uu siiyey.

Markii uu kasoo laabtay dalka Faransiiska oo uu shahaadada master-ka uga soo qaatay cilmiga sayniska iyo dhaqaalaha, waxa uu diiradda saaray inuu cilmi baaris ku sameeyo qu’aanka iyo xikmadihiisa. Sanaddii 1990-kii ayuu go’aansaday inuu hadalka joojiyo, isaga oo sheegay inuu hadli doono kaliya marka alle uu raali ka noqodo.

Bashiir ayaa sharxay falsafaddiisa aamusnaanta isaga oo qoray “Bilowga aamusnaanta, waa dhammaadka hadalka” hase yeeshee khibradiisa ayaa ah mid weli lala yaaban yahay, isaga oo aaminsan “sirtiisa u gaarka ah” iyo xiriirka uu la leeyahay allaha uumay.

Isaga oo wareysi siinaya taleefishin ayuu Sheekh Bashiir sheegay in tan iyo markii uu joojiyey hadalka, uusan dareemin wax shalaay ah, sababta oo ah buu yiri hadalka ayaaba shalaay ah.

“Qalinkeyga wuxuu qoraa oo kaliya waxa farxad gelinaya dadka ila saaxiibka ah. Nabadgalyo iyo naxariis ayaan ku dareemaa amusnaanta” ayuu yiri.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com