Muqdisho (Caasimada Online) – Baarlamaanka Somalia ayaa maalinta beri ah u gudbi doona qeybta labaad ee dhageysiga Khudbadaha Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha.
Khudbadaha ay Musharaxiinta jeedinayaan ayaa waxaa maalinta berri ah ku qoran ilaa 8 Musharax oo ay soo xuleen Guddiga.
Seddeeda Musharax ee maalinta Berri ah jeedin doona Khudbadaha ayaa waxa ay kala yihiin:
1-Cabdinaasir Cabdulle Maxamed
2-Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame
3-Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole)
4-Cabdulaahi Cali Axmed (Cadow Cali Gees)
5-Cabulaahi Cali Xasan
6-Cabdullaahi Ciilmooge Xirsi
7-Cali Xaaji Warsame
8-Cabdulkhaadir Cosoble Cali
Khudbadaha ayaa waxaa lasoo gunaanudayaa maalinta Axada ah oo ay jeedin doonaan Musharaxiin dhan 8 kuwaa oo noqon doona qeybta ugu danbeysa.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]