25.7 C
Mogadishu
Tuesday, June 17, 2025

Liiska musharaxiinta, hal ku dhigooda iyo sida ay u kala miisaan culus yihiin

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa sii kordhaaya cadadka Musharaxiinta loolanka ugu jira qabashada xilka Madaxweynaha Somalia mudada u dhexeysa 2017 ilaa 2020.

Musharaxiinta loolanka ugu jira xilka ayaa isugu jira laba qeybood oo qeybta koowaad ay yihiin Musharaxiin miisaan leh, halka qeybta labaad ay yihiin kuwo aan la saadaalinkarin heerka uu gaarsiisan yahay miisaankooda.

1-Xasan Sheekh Maxamuud oo hal ku dhig ka dhigtay (Qabyo qofkeeda ayaa dhammeystira).

2-Jabriil Ibraahim Cabdulle oo hal ku dhig ka dhigtay (Hal Qaran).

3-Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo hal ku dhig ka dhigtay (Waxaa naga go’an isbadal siyaasadeed oo dhab ah).

4-Shariif Xasan Sheekh Aadan oo hal ku dhig ka dhigtay (Si midnima ah ayeynu ku gaari karnaa nabad, cadaalad, horumar iyo hogaan suuban)

5-Maxamed Cali Nuur “Americo” oo hal ku dhig ka dhigtay (Cadaalad, sinnaan, dal dhisid iyo shaqa abuur).

6-Maxamed Cabdullaahi Maxamed “Farmaajo” oo hal ku dhig ka dhigtay (Danta Dalka iyo Dadka).

7-Cabdullaahi Cali Axmed “Cadow Cali Gees” oo hal dhig ka dhigtay (Bad baadinta dalka iyo dadka Soomaaliyeed).

8-Xildhibaan, Cabdulqaadir Cosoble Cali oo hal ku dhig ka dhigtay (Gacmo wadajir bay wax ku gooyaan).

9-Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo hal ku dhig ka dhigtay (Dad isku tashaday ayaa dowlad noqon kara).

10-Saciid Cabdullahi Maxamed “Deni” oo hal ku dhig ka dhigtay (Siyaasad ku dhisan dad iyo dal dhisid).

11-Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke oo hal ku dhig ka dhigtay (Xasilooni siyaasadeed)

12-Cali Maxamed Geedi oo hal ku dhig ka dhigtay (Isbadal siyaasadeed, ammaan iyo horumar dhaqaalle).

13-Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed oo hal ku dhig ka dhigtay (Isbadal siyaasadeed oo taabagal ah).

14-Cali Xaaji Warsame oo hal ku dhig ka dhigtay (Cadaalad, Horumar, Amni).

15-Cabdinaasir Cabdulle Maxamed oo hal ku dhig ka dhigtay (Dhammaan waxaanu nahay walaallo, waxaa noo hanti ah wadanka).

16-Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud “Faroole” oo hal ku dhig ka dhigtay (Nabad, Cadaalad, Horumar iyo Sinnaan).

17-Cabdicaziiz Xasan Giyaajo “Camalow” oo hal ku dhig ka dhigtay (Dib u hano Soomaaliya).

18-Maxamuud Axmed Nuur “Tarsan” oo hal ku dhig ka dhigtay (Aan Tashanno, iskuna tashanno).

19-Cabdullaahi Ciilmooge Xirsi oo hal ku dhig ka dhigtay (Dib u heshiisiin dhab ah).

20-Maxamed Cabdullaahi Nuur “Garguurte” oo hal ku dhig ka dhigtay (Wax qabad muuqda iyo la xisaabtan dhab ah).

21-Maxamed Cabdirizaaq Maxamed Abuukar oo hal ku dhig ka dhigtay (Si wadajir ah aan ugu hiilinno Soomaaliya).

Musharaxiinta Madaxtinima doonka ah oo u qeybsama 4 qeyb ayaa waxaa shaki la galinayaa in Seddex qeyb ee ugu danbeysa ay gaaraan heerka Madaxweyninimo.

W/Q: Cabdi Axmed Cabdi

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com

- Advertisement -

Read more

Local News