24.2 C
Mogadishu
Tuesday, January 13, 2026

Sheekh Shariif oo dib Muqdisho ugu soo laabtay sheegayna sababta uu…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii dowladoo KMG aheyd Sheikh Shariif Sheikh Axmed ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho.

Sheikh SHariif oo dhowr bil ka hor soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa dib ugu laabtay wadamada dibadda, balse maanta ayuu dib usoo laabtay.

Imaanshaha Sheikh Shariif ee magaalada Muqdisho ayaa kusoo aadeyso iyadoo musharixiin badan ay ka rajo dhigeen doorashada, maadaama marar badan dib u dhac uu ku yimid waqtiga doorashada.

Kadib markii uu kasoo dagay magaalada Muqdisho ayuu warbaahinta kula hadlay halka uu ka degen yahay magaalada Muqdisho.

Wuxuuna sheegay in arimo siyaasadeed uu dalka dibadiisa ugu maqnaa, uuna doonayo inuu markale hogaamiyaa dalka Soomaaliya.

Wuxuu Sheikh Shariif kamid yahay musharixiinta sida dhow loogu saadaalinayo xilka madaxtinimada Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News