Muqdisho (Caasimada Online) – Hogaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa ka hadlay wararka sheegaya in laga dalbaday tanaasul.
Shariif Xasan oo u waramaayay warbaahinta Maxaliga ah ayaa sheegay in xaqiiq ay tahay in laga dalbaday tanaasul balse uusan garankarin sababta looga dalbaday.
Shariif Xasan, waxa uu tilmaamay in faraha ay ka bateen Musharaxiinta usoo jeedisay tanaasulka, waxa uuna carab dhabay inuu ka hor imaaday dalabkaasi.
”Wali ma garan sababta la iiga dalbanaayo tanaasulka waayo waxaan lamid ahay kuwa farahabadan ee loolanka ugu jira Madaxtinimada”
”Musharaxiinta dalabka i weydiistay waxa ay gaarayaan ilaa Seddex Musharax oo aan miisaamin hadalkooda waayo aniga ma aaminsani tanaasul waxaan ka doorbidayaa inaan tijaabiyo nasiibkeyga oo aan guuleysto ama leyga guuleysto”
Shariif Xasan waxa uu intaa raaciyay inay dhamaatay kalsoonida Musharaxiinta weydiistay dalabka tanaasulka maadaama ay isaga ka dalbadeen inuu u tanaasulo.
Shariifka waxa uu ku baaqay in Musharaxiinta ay muujiyaan kalsooni buuxda, isla markaana aysan dhaawac u geysan nafsadooda maadaama ay raali ahaanshi kusoo galeen ololaha socda.
Haddalka Shariif Xasan ayaa imaanaya xili Dowlada Ethiopia ay ku cadaadisay inuu ka tanaasulo Musharaxnimadiisa.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdsho
[email protected]

