Jowhar (Caasimada Online)-Waxaa magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabelle ka dhacay Doorashada Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Somalia.
Doorashada oo xiisa gaara laheyd ayaa waxaa ku loolamaayay musharaxiin dhowr ah oo markii danbe qaar kamid ah looga guuleystay Doorashada.
Doorashadan maanta ka dhacday Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxaa ku soo baxay ilaa Saddex Mudane oo miisaan ku lahaa Doorashada.
Xildhibaanada kusoo baxay Doorashada ayaa kala ah:
1-Maryan Axmad Haaruun oo ku soo baxday 32 cod
2-Max’uud C/laahi Axmad oo ku soo baxay 38 cod
3-C/rasaaq Axmad Maxamed oo ku guuleystay 28 cod
Maalinta beri ah ayaa lagu wadaa in Doorashada ay halkeeda kasii socto.
Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
[email protected]